Dowladda Soomaaliya oo taliyihii hore ee ciidamada ku beddeshay taliye cusub


Taliyihii ciidamada Military-ga dowladda Soomaaliya General Saciid Dheere ayaa maanta laga wareejiyey xilkii taliyenimo ee ciidanka dowladda, waxaana la magacaabay taliye cusub oo hoggaamin doona ciidamada qaranka.

 

Xil-ka-qaadista lagu sameeyey taliyaha ciidanka dowladda ayaa timid kaddib kulan ay isugu yimaadeen Golaha wasiirrada oo lagaga wada hadlayey guud ahaan ammaanka waddanka, gaar ahaan dagaallada beryahan ka socday magaalada Muqdisho iyo sida ugu habboon ee loo wajihi karo.


Kaddib markii uu soo dhammaaday shirka Golaha Wasiirrada ayaa waxa shir jaraa'id qabtay wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Farxaan Cali Maxamuud asagoo markaas ku sugnaa hoyga uu magaalada Muqdisho ka deggan yahay Ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, halkaasoo uu ka sheegay in General Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere) laga qaaday xilkii taliyenimada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo xilkaasna loo magacaabay General Yuusuf Cusmaan Dhuumaal oo hore u ahaa taliye-ku-xigeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.


Wasiirka Warfaafinta waxa kale oo uu intaas ku daray in taliyihii hore ee Xoogga Dalka General Saciid Dheere loo magacaabay la taliyaha ammaanka ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Wasiirka ayaa mar uu ka hadlayay Mucaaradka ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya waxaa uu sheegay in sheikh Xasan Daahir Aweys uu doonayey inuu afgambiyo dowladda Soomaaliya uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya waxaa uu warbixin ka bixiyay dagaalada maalmihii u dambeeyay ka dhacaya Magaalada Muqdisho iyo qasaaraha dadka  rayidka  ka soo gaaray.

 

Waxaa uu tilmaamay in dagaaladaasi ay ku dhinteen 103-qofood halka sidoo kale uu sheegay in ay ku dhaawacmeen 420-qofood oo rayid ah sida ay ka ogaadeen xariir ay la samneeyeen  isbitaalada magaalada Muqdisho,waxaana uu sidoo kale carabka ku dhiftay in dagaaladaasi ay ku barakaceen in ka badan 18-kun oo qof oo rayid ah kuwaasi oo u adgeysan waayay dagaalada  gudaha Magaalada Muqdisho ku dhexmaraya Mucaaradka iyo dowladda KMG Soomaaliya.


Add New Comment