Dagaal u dhexeeya Midowga Maxkamadaha iyo Al-Shabaab ayaa mar kale galabta ka qarxay magaalada Muqdisho


Dagaal u dhexeeya xoogagga Maxkamadaha Islaamka garabka taageersan dowladda iyo ururka Al-Shabaab ayaa mar kale galabta ka qarxay agagaarka garoonka kubadda cagta ee Muqdishu Stadium oo fariisin u ah xoogagga Midowga Maxkamadaha.

Dagaalkaan oo ah mid aad u xoog badan ayaa waxa la isu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kale duwan waxaan xaafadah ku teedsan garoonka Muqdisho laga maqlayaa hubka culculus oo ay is weydaarsanayaan xoogagga beri ka wada tirsanaan jiray muqaawamadii Ethiopia lagaga xoreeyey dalka.

Dagaalkaan oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha uu geystay ayaa ku soo beegmay xilli maalinnimadii shalay uu dagaal qaraar magaalada Muqdisho ku dhex maray labada garab ee feker ahaanta aadka u kala fog iyo weliba ayadoo ay soo baxayaan baaqyo nabadeed oo ay soo jeedinayaan Culimaa'uddiinka, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.


Add New Comment