SilGor 5/14/2011 6:09:55 AM
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Jabuuti Mr. Maxamuud Cali Yuusuf ayaa mar uu la hadlayey idaacadda Codka Amerika (VOA) waxa uu sheegay in dalkiisu Soomaaliya u soo diri doono ciidamo nabad-ilaalineed oo qayb ka noqon doona ciidamada AMISOM ee
SilGor 5/12/2011 3:29:18 PM
Allaah ha u naxariistee waxaa maanta gelinkii dambe magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Imaamkii beelaha Mudullood Imaam Maxamuud Imaam Cumar, kaddib markii uu maalmihii u dambeeyey ku jiray cusbitaal ku yaalla isla magaaladaasi Nairobi.
SilGor 5/12/2011 1:39:55 PM
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Orkanger ee bartamaha dalka Norway waxa ay hambalyo u dirayaan saaxibkood Mustafa Maxamed Muuse iyo Xaaskiisa Muna Cumar Cali oo uu duhurnimadii maanta oo Khamiis ah 12-ka bisha May wiil ugu dhashay cusbitaalka St. Olav
HOL 5/11/2011 6:00:23 PM
Ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo haatan isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin magaalada New York ee Mareyanka oo ay uga qaybgalayaan kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada
HOL 5/10/2011 9:11:37 PM
Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay go'aan ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya ugu diiday shalay inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho in ka badan 40-xidhibaan, kuwaasoo ay ku
SilGor 5/9/2011 3:12:19 PM
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan xildhibanadii maanta laga soo celiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho, asagoona sheegay in ciidamada ammaanka garoonka ay is hortaageen
HOL 5/8/2011 11:15:56 AM
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Axad ah markii saddexaad loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee dalkaas oo uu kaga guuleystay murashaxii la tartamaya ee Max'ed Warsame Raage, waxaana xaflad dhaarinta ka qaybgalay madax ka kala socday dalal dhowr ah.
RM 5/8/2011 8:48:56 AM
Safiirka dowladda Uganda u fadhiya dalka Ethiopia Danjire Mull Sebujja Katende ayaa sheegay in dowladiisu, iyadoo ka jawaabaysa codsiyo uga yimid Midowga Afrika iyo Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay qorsheynasyo in ay afar kun oo ciidamado dheeraad ah u soo dirto dalka Soomaaliya.
SilGor 5/8/2011 7:57:44 AM
Afhayeenka Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) ayaa mar uu la hadlayey warbaahinta waxa uu jawaab ka bixiyey war dhowaan kasoo yeeray Dowladda KMG ee Soomaaliya, kaasoo lagu sheegay in awoodda Al
SilGor 5/6/2011 5:31:24 PM
Kulan ay magaalada Brussels ee waddanka Belgium ku yeesheen mas'uuliyiin ka tirsan ururrada Midowga Yurub (EU) iyo Midowga Afrika (AU) ayaa waxa loogaga wada hadlay sidii waqtiga loogu
SilGor 5/6/2011 4:02:25 PM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay booqasho gaaban ku gaareen waddanka Suudaan oo lagu casuumay.
HOL 5/5/2011 2:15:49 PM
Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa ku sheegay warbixin uu kaga hadlay Soomaaliya in beesha caalamka looga baahan yahay inay gacan kusiiso DKMG ah sidii ay ammaanka Soomaaliya u soo celin lahayd.
SilGor 5/5/2011 1:22:26 PM
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadda booqasho ku jooga dalka Suudaanayaa magaalada Khartoum ee caasimadda dalkaasi kula







'
World News