Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo Magaalada New York kulammo kula yeeshay ergooyinka joogtada ah ee UN-ka


Ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo haatan isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin magaalada New York ee Mareyanka oo ay uga qaybgalayaan kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadli doono arrimaha Somalia ayaa kulammo hordhac ah la yeeshay xubno ka tirsan ergooyinka joogtada ah ee ka tirsan Qarammada Midoobay.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Isniintii la kulmay la kulmay wakiillada UN-ka ee dalalka Hindiya, Ruushka, Baraasiil, Jarmalka iyo Lubnaan oo dhammaan ka mid ah dalalka 15-ka dal ee xubinaha ka ah golaha ammaanka ee Ummada Midoobay. Sidoo kale, wuxuu maalintii Talaadada ahayd ee shalay uu sidoo kale la kulmay ergooyinka dalalka Ingiriiska, Koonfur Afrika, Faransiiska, Kolombiya, Shiinaha iyo Mareykanka.

Ujeedadooyinka kulammadan ayuu afhayeenka xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo ka mid ah wafdiga uu ra'iisul wasaaruhu hoggaaminayo wuxuu ku sheegay inay ahaayeen sidii looga dhaadhicin lahaa wakiillada dalalkan xaalada dalka uu marayo sidii looga bixi lahaa marxallada kala guurka ah.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahad-celiyay mas'uuliyiintii uu shalay iyo dorraad la kulmay sida uu golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay mudnaanta u siinayo arrimaha dalka Soomaaliya. Ra'iisul wasaaraha ayaa yimid New York markii seddexaad tan iyo bishii Jannaayo sannadkan 2011. Tan oo muujineysa sida Qarammada Midoobay ay u daneynayaan arrimaha Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha ayaa warbixin kooban siiyay dhammaan mas'uuliyiintii uu la kulmay iyo sida ugu habboon ee looga bixi karo marxallada kala guurka ah bacdamaa uu waqtigii hay'adaha dastuurka ah dhammaanayo August 2011, ilaa iyo haddana aysan jirin go'aan ay hay'adaha dastuuriga ah ee dowladda KMG ah ku mideysan yihiin.

Mudane Famaajo ayaa aaminsan in xalka ugu habboon uu yahay in Soomaalida ay iyaga dhexdooda wadahadlaan lana yimaadaan go'aan mideysan oo ay danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku jirto.

Golaha baarlamaanka ayaa bishii February keligood go'aamiyay in saddex sano loogu daro xilliga uu shaqeynayo. Iyadoo beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ay walaac isku mid ah ka muujiyeen, Iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in mudada saddexda sano ah ay tahay mid badan loona baahan-yahay in haddii go'aan la gaarayo ay dhammaan hay'adaha dastuuriga ah ee dowladda kawada tashadaan.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa u sheegay mas'uuliyiintii uu la kulmay in xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ay guddi heer wasiir ah u saartay inay la kulmaan baarlamaanka si looga wada hadlo mowqif mideysan oo ay danta shacabka ku jirto.

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in shirka golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uu ka furmo New York, iyadoo uu warbixin dheer ka jeedin doono ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, taasoo ku saabsan xalaadda dalka Soomaaliya ka jirta.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa inay dalal Afrika ka tirsan socdaal shaqo ku soo maraan, taasoo diiradda lagu saari doono arrimaha Somalia iyo sida xal loogu heli karo xilliga kala guurka ah.


Add New Comment