Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigii la socday oo maanta dalka dib ugu soo laabtay


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay booqasho gaaban ku gaareen waddanka Suudaan oo lagu casuumay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo maanta kasoo degey gegida dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxa halkaasi kusoo dhoweeyey mas'uuliyiin sar-sare oo ka tirsan golayaasha Dowladda KMG.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa intii uu ku sugnaa dalka Suudaan kulamo kula yeeshay madaxweyne Cumar Xasan Al.Bashiir iyo madax kale oo ka tirsan dalkaasi, kuwaasoo ay dhammaantood isla soo qaadeen xiriirka labada dal, xaaladda dalka Soomaaliya iyo guud ahaan ammaanka gobolka Geeska Afrika.


Add New Comment