Xarakatul Shabaab oo sheegtay in dilkii Usaama Bin Laaden uusan wax saameeyn ah ku yeelan doonin dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya


Afhayeenka Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) ayaa mar uu la hadlayey warbaahinta waxa uu jawaab ka bixiyey war dhowaan kasoo yeeray Dowladda KMG ee Soomaaliya, kaasoo lagu sheegay in awoodda Al-Shabaab ay wiiqmi doonto, mar haddii la dilay hoggaamiyihii Ururka Al-Qaacida Sheekh Usaama Bin Laaden.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in taasi aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin dagaalka ay Xarakatul Shabaab kula jirto ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, isla markaana ay dagaalka sii wadayaan oo awooddooduna aysan wiiqmi doonin.

Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Xarakatul Shabaab ay ka taliyaan dalka intiisa badan, hadafkooduna uu yahay sidii ay dalka uga saari lahaayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Warkan ay soo saareen Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli dhowaan dalka Pakistaan lagu dilay hoggaamiyihii Ururka Al-Qaacida, Dowladda Soomaaliyana ay sheegtay in dilka Sheekh Usaama uu saameeyn ku yeelan doono awooda Al-Shabaab iyo ayadoo weliba ay jiraan goobo fara badan oo ka tirsan koonfurta dalka Soomaaliya oo ay dagaallo ku dhex mareen ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Xarakatul Shabaab oo sida la sheegay degaanno dhow ah oo lagu dagaalamay laga soo qabsaday.

 


Add New Comment