Midowga Yurub (EU) oo kordhinaya muddada lagu tababarayo ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya.


Kulan ay magaalada Brussels ee waddanka Belgium ku yeesheen mas'uuliyiin ka tirsan ururrada Midowga Yurub (EU) iyo Midowga Afrika (AU) ayaa waxa loogaga wada hadlay sidii waqtiga loogu kordhin lahaa tababarrad uu Midowga Yurub siiyo ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Labada urur ee EU iyo AU ayaa horey isaga kaashanayey tababaridda ciidmada ammaanka ee Dowladda KMG ee Soomaaliya oo isugu jira mileteri iyo boliis, heshiiskaas oo ay muddadiisu ku eg tahay bisha Agoosto ee sanadkan 2011-ka.


Dalal ka tirsan ururka Midowga Yurub ayaa tababarro ku siiya ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya xarumo mileteri oo ku yaalla gudaha dalka Yugaanda, ayadoona illaa iyo hadda dowladda Soomaaliya loo soo tababaray ciidamo dhowr kun oo askari ah.


Sidoo kale ayaa waxa jira ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo tababarro lagu siiyo dalalka Jabuuti, Ethiopia, Suudaan iyo Kenya, kuwaasoo dhammaantood loogu talagalay inay gudaha dalka Soomaaliya kula dagaalamaan Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin oo kasoo horjeeda jiritaanka DKMG ee Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee magaalada Muqdisho.








Add New Comment