Dowladda Mareykanka oo walaac ka muujisay go'aankii ay DKMG ee Soomaliya ugu diiday 40-mudane inay ka dhoofaan Muqdisho

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay go'aan ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya ugu diiday shalay oo Isniin ahayd inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho in ka badan 40-xidhibaan, kuwaasoo ay ku jireen kuwo haysata dhalashada dalka Mareykanka. Xukuumadda Washington ayaa ku sheegay warbixin ay soo saartay maanta oo Talaado ah in xildhibaannada qaarkood lagu handaday hub, saddex ka mid ahna lagu garaacay jirkooda hubkii loola baxay. "Inta badan xildhibaannadaas waxay u socdeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo ay kaga qaybgeli lahaayeen siminnaar ku saabsan doorashooyinka. qaar kalena waxay howlo kale ugu socdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, kuwo kalena waxay u socdeen howlo iyaga u gaar ah," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan oo kasoo baxay safaaradda uu Mareykanku ku leeyahay Nairobi. Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladad KMG ah ay safarka ka joojisay xildhibaanadan, iyadoo u aragtay siminaarka ay ka qaygalayaan mid iyada looga soo horjeedo. Maadaama ay ahaayeen guddi doorasho oo uu si gaar ah u xulay guddoomiyaha baarlamaanka horraantii sannadkan. Falkan ayay dowladda Mareykanku ku sheegay inuu yahay mid kusoo beegmay xilli ay dowladda KMG ah dadaallo ugu jirto sidii ay kusoo celin lahayd amaanka dalka oo dhan iyo dagaalka ay kula jirto kooxda kasoo horjeedda. Mareykanka ayaa ugu baaqay DKMG ah inay ka dhabeyso ballanqaadkeedii ahaa inay dhameystirayso howlaha horyaalla, taasoo ahayd inay dhameystirto howlaha u harsan inta uusan dhammaan xilligeeda KMG ah, ayna dib u soo celiso ammaanka dalka oo dhan.

Add New Comment