Dowladda Jabuuti oo xaqeejisay inay ciidamo u soo direyso Soomaaliya toddobaadyada soo socda


Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Jabuuti Mr. Maxamuud Cali Yuusuf ayaa mar uu la hadlayey idaacadda Codka Amerika (VOA) waxa uu sheegay in dalkiisu Soomaaliya u soo diri doono ciidamo nabad-ilaalineed oo qayb ka noqon doona ciidamada AMISOM ee Ururka Midowga Afrika.

Wasiirka ayaa sheegay in dalka Jabuuti uu horey u ballanqaaday inuu ciidamo u dirayo dalka Soomaaliya, haatanna ciidamadaasi la diyaariyey, dhamaadka bishan aynu ku jirno ama horraanta bisha soo socotana ay gaari doonaan dalka Soomaaliya, dowladdiisuna ay arrintaasi ka go'an tahay.

Dowladda Jabuuti ayaa si weyn u taageersan Dowladda KMG ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna madaxweynaha Jabuuti Mr. Ismaaciil Cumar Geelle marar badan ku celceliyey sida ay dowladdiisu uga go'an tahay is-garabtaagga shacabka Soomaaliyeed.

Add New Comment