Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi


Allaah ha u naxariistee waxaa maanta gelinkii dambe magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday  Imaamkii beelaha Mudullood Imaam Maxamuud Imaam Cumar, kaddib markii uu maalmihii u dambeeyey ku jiray cusbitaal ku yaalla isla magaaladaasi Nairobi.

Marxuum Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee Soomaaliya, waxaana aad loogu xusuusan doonaa kaalintii uu ka soo qaatay howlihii nabadda ee beelaha Soomaaliyeed iyo sidii wanaagsaneyd ee uu uga qayb qaadan jiray dadaal kasta oo lagu dadaal kasta oo lagu doonayey samata bixinta shacabka Soomaaliyeed.

Shabakadda warbaahinta www.SilGor.com iyo maamulkeedaba ayagoo ka tiiraanyeesan geerida ku timid Imaamka waxay tacsi hawada u marinayaan dhammaan eheladii uu marxuumku ka geeriyooday, sidoo kale waxa geerida Imaamka loogaga tacsiyadeynayaa beesha Muddulood iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.



Add New Comment