Madaxweyne Sheekh Shariif oo magaalada Khartoum kula kulmay madaxweyne Al-Bashiir


Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadda booqasho ku jooga dalka Suudaanayaa magaalada Khartoum ee caasimadda dalkaasi kula kulmay madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdiga la socda ayaa waxa ay halkaasi gaareen habeennimadii xalay, kaddib markii sida la sheegay ay casumaad ka heleen madaxweynaha dalka Suudaan General Cumar Xasan Al-Bashiir oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka IGADD ee sida weyn u daneeya arrimaha Soomaaliya.

Kulanka labada madaxweyne ayaa waxa layskula soo qaaday arrimo badan oo ay ka mid ammaanka gobolka, xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii dowladda Suudaan ay u sii wadi lahayd kaalmada dhinac walba leh ee ay siiso dowladda Soomaaliya.


madaxweynaha waddanka Suudaan mudane Cumar Xasan Al-Bashiir oo ku kulmay halkaasi ayaa waxa ay isla soo qaadeen arrimo badan oo quseeya ammaanka, sidii Suudaan ay u taageeri lahayd DKMG Soomaaliya, xaaladda ammaan iyo siyaasadeed ee gobolka iyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.


Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyey waday tallaabooyin lagu sii xoojinayo xiriirka ay dowladdiisu la leedahay waddamada Bariga iyo Bartamaha Afrika, ayadoo uu madaxweynuhu toddobaadyo ka hor booqasho ku soo kala bixiyey dalalka Jabuuti, Uganda, Ethiopia, Burundi, Tanzania iyo Rwanda.


Add New Comment