Madaxweynaha dalka Jabuuti oo markii saddexaad loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee dalkaas


Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Axad ah markii saddexaad loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee dalkaas oo uu kaga guuleystay murashaxii la tartamaya ee Max'ed Warsame Raage, waxaana xaflad dhaarinta ka qaybgalay madax ka kala socday dalal dhowr ah.

Xafladda oo ka dhacday Hotel Kambisk ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo madax kale oo u badan Afrikaan.

Dhaarinta kaddib, ayaa waxaa halkaas hadallo ka jeediyay madaxweynaha xilka loo dhaariyay ee dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubnihii lagu casuumay inay ka qaybgalaan xafladda caleemo saarka, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu jeediyay hadal u badan guubaabo iyo dardaaran.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo la hadlay Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu si gooni-gooni ah ula kulmay xafladda kaddib xubnihii caleemo-saarka kasoo qaybgalay.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo 63-jira ah ayay shacabka dalkiisu u doorteen inuu hoggaamiyo mar saddexaad bishii lasoo dhaafay ee Abriil, balse murashaxii uu la tartamaya ee Raage ayaa diiday codadkii ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada tirintii codadka kaddib.

Xisbiyada mucaaradka dalka Jabuuti ayaa horay u diiday inay doorashada ka qayb-galaan, waxayna sabab uga dhigeen diidmadooda in guddiga doorashada uusan ahayn mid dhexdhexaad ah oo uu la safan yahay xisbiga talada haya ee RPP.

Dalka Jabuuti oo ka mid ah dalalka ku yaalla bariga Afrika ayaa wuxuu xorriyadiisa ka qaatay sannadkii 1977-kii gumeytihii Faransiiska, waxaana intii uu xorta ahaa madaxweyne kasoo noqday Marxuum Xasan Guuleed Abtidoon iyo madaxweynaha hadda talada haya Ismaaciil Cumar Geelle.


Add New Comment