Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay oo calaamka ugu baaqay in la taageero dowladda Soomaaliya


Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa ku sheegay warbixin uu kaga hadlay Soomaaliya in beesha caalamka looga baahan yahay inay gacan kusiiso DKMG ah sidii ay ammaanka Soomaaliya u soo celin lahayd.

"Bilihii lasoo dhaafay ciidamada DKMG ah iyo isbahaysigooda AMISOM waxay qabsadeen deegaanno ay horay uga talin jirtay Xarrakada Al-Shabaab," ayuu ku yiri warbixintan oo Arbacadii shalay uu ka hor akhriyay golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay.

Sidoo kale, warbixinta ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal weyn ugu jirto sidii ay magaalada Muqdisho oo dhan dib ugu qabsan lahayd si ay ugu soo celiso ammaan. Sidoo kalena waxay ka furtay gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya aagag cusub oo dagaal, iyadoo qabsatay dhowr degmo.

"Hadda waxaa jira horumar dhinaca ammaanka ah oo ay ku tallaabsatay DKMG ah, iyadoo kaashanaysa kuwa xiriirka la leh," ayuu yiri Ki-Moon oo walaac ka muujiyay in horumarka ay dowladdu ku tallaabsatay ay dhaawacaan khilaafaadka siyaasadda ku saleysan ee ka dhex taagan hay'adaha dowladda Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee ayaa intaas ku daray in qalalaasaha ka taagan Soomaaliya uu khatar ku yahay dalalka dariska la ah, isagoo yiri: "Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo AMISOM waxay u baahan yihiin taageero dheeraad ah."

"Beesha Caalamku waa inay dhaqaale wanaagsan siiso dowladda KMG ah," ayuu hadalkiisa ku daray. "Dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay in laga taageero sidii ay ammaanka Muqdisho u soo celin lahayd ayna dib ugu dhisi lahayd."

"Guulaha dowladda KMG ah ay ka gaartay dagaallada ay ku jirto waxay taasi sabab u noqon kartaa in gargaarka bani'aadamnimo la gaarsiiyo dadka u baahan, waana lagama maarmaan in laga qaybqaato dib u soo celinta ammaanka Soomaaliya. Haddii aan taas ku guuldareysanno waxaa sare u sii kacaya xaaladaha bani'aadamnimo ee xilligan taagan, waxaana lumaya rajooyinka nabadda lagu soo celinayo, taasoo caqabad ku noqonaysa nabadda iyo ammaanka dalalka ku yaalla Bariga Afrika," ayuu Ban Ki-Moon hadalkiisa raaciyay.

Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay ayaa sheegay in 2.4-milyan qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar aadamnimo oo deg-deg ah, isagoo xusay in haddii aanay gargaar helin ay tiradu ku darsoomi doonto 20% lixda bilood ee soo socda.

Ki-Moon ayaa warbixintiisa ku sheegay in dhibaatooyinka jira ay sabab u yihiin ammaan xumada ka jirta Soomaaliya, barakaca iyo weliba cunno yarida ay abaaruhu dhaliyeen. Isagoo intaas ku daray in 55,000 oo qof oo Soomaali ah ay abaaraha hadda jira ka barakaciyeen deegaannadoodii illaa bishii Desember ee sannadkii hore. 16,000 oo qof oo dheeraad ahna ay ka barakaceen labadii bilood ee sannadkan ugu horreysay magaalada Muqdisho.

Ban Ki-Moon ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda DKMG ah inay si dhaqso ah ku xalliyaan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya, kaasoo ka dhashay muddo kororsi ay baarlamaanka iyo xukuumaddu siyaabo kala duwan ugu dhawaaqeen horraantii sannadkan, iyadoo weli uu khliaafku taagan yahay.

"Madaxda dowladda KMG ah waa inay khilaafkooda ku xalliyaan si waafaqsan Axdiga u dagsan, ayna si wadajir ah u dhameystiraan howlaha horyaalla oo ay ka mid yihiin sugidda ammaanka, dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay'adaha siyaasadda iyo kuwa bulshada," ayuu yiri xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay.

Ugu dambeyn, Ban Ki-Moon wuxuu warbixintiisa ku sheegay in ciidamada AMISOM oo la xoojiyo ay sabab u noqonayso in dowladda Soomaaliya ay dalka oo dhan dib ugu soo celiso gacanteeda ayna si wanaagsan ugu shaqeyso bulshadeeda.


Add New Comment