Uganda oo ciidamo dheeraad ah u soo direysa Soomaaliya


Safiirka dowladda Uganda u fadhiya dalka Ethiopia  Danjire  Mull Sebujja Katende ayaa sheegay in dowladiisu, iyadoo ka jawaabaysa codsiyo uga yimid Midowga Afrika iyo Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay qorsheynasyo in ay afar kun oo  ciidamado dheeraad ah u soo dirto dalka Soomaaliya.

Danjire Katende ayaa daboolka ka qaaday in ciidamada dheeraadka ah ay xoojin doonaan ciidamada Midowga Afrika ee howgalka Nabad Ilaalinta ka wada Soomaaliya iyo ciidamada dowladda oo dagaallo kula jira maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al-Shabaab, si howgalkaasi uu u noqda mid mira dhala, guud ahaan dalkana looga xoreeyo kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

“Xaaladda Soomaaliya ka taagan xilligan ma ahan mid Soomaaliya oo kaliya ku kooban oo waxa ay ka jirtaa Qaaradda Afrika oo dhan, waana midda dowladdeena ku qasbaysa in ay ciidamada dheeraad ah geyso Soomaaliya si loo soo afjaro mashaakilaadka ka aloosan gudaha dalka Soomaaliya”ayuu hadalkiisa ku daray.

Safiika Dowladda Uganda u fadhiya wadanka Ethiopia ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageero buuxdo siiyaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya si dowladdu ay ugu guuleysato dadaallada ay ugu jirto nabad ku soo dabaalidda dalka, islamarkaana ay xilligan u baahantahay in la siiyo taageero dhinacyo badan leh.


Add New Comment