Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo sheegay in garoonka dayaaradaha Muqdisho lagu joojiyey xildhibaanno si sharci darro ah u dhoofayey


Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan xildhibanadii maanta laga soo celiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho, asagoona sheegay in ciidamada ammaanka garoonka ay is hortaageen xildhibaanno si sharcidarro ah uga dhoofayey dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka ay xor u yihiin gudashada shaqadooda mar haddii  ay waafaqaan yihiin shuruucda u degsan dalka, wuxuuna wasiirku intaa ku daray in xubnaha doonayey inay dhoofaan ay ahaayeen guddi lagu magacaabay Guddiga Doorashada, kuwaasoo aan la horgeynin Barlamaanka, wax kalsooni ahna aan ka heysan.

Mudane Cabdishakuur ayaa waxa kale oo uu sheegay in qof kasta oo muwaadin ah, shacab iyo mas'uulba uu xaq buuxa u leeyahay inuu dhoofo markii uu doono, hase ahaatee arrinta maanta dhacday ay tahay mid gaar oo marka hore la doonayo in sharciga la waafajiyo.

Guddiga Doorashooyinka Barlamaanka ayaa waxa dhowaan magacaabay guddoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, welina codka kalsoonida looma weydiin xildhibaannada barlamaanka Soomaaliya, waxaana dhowaan ka hadlay madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo guddoomiyaha barlamaanka ku eedeeyey inuu asagu soo magacowday guddiga doorashooyinka barlamaanka, asago (Shariif Xasan) isla mar ahaantaasi uu doonayo inuu ka qaybgalo doorashooyinka la sheegay ee soo socda.


Add New Comment