
hiiraan online 11/27/2008 6:44:27 PM
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland -Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro)
Khamiis, 27 November 2008 (HOL): Xukuumadda Somaliland ayaa maanta sheegtay in Weeraradii Qaraxyada ahaa ee lala beegsaday Madaxtooyada Somaliland, Xafiiska Ganacsi ee Itoobiya ee Hargeysa iyo Xarunta UNDP in ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab. Kuwaas oo magacowday Xukuumaddu cidda ay sheegeen in ay soo abaabuleen.