Nuur cadde iyo Sheekh Shariif oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Jabuuti

Waxaa barqanimadii maanta hotelka Kempiski ee magaalada Jabuuti lagu kala saxiixday heshiis ay gaareen dowladda federalka Soomaaliya iyo isbahaysiga dib-u-xoreynta Soomaaliya oo shalay illaa xalay kulamo adag oo xasaasi ah ka yeeshay qodobo la xiriira awood qeybsiga.
Qodobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in la sameeyo guddi daba gal ku sameeya xadgudubyada iyo dambiyada dagaal ee ka dhacay dalka Soomaaliya, maxkamadna loo diyaariyo. in la dhiso dawlad midnimo qaran leh oo ay ku wada jiraan xubnaha Mucaaradka iyo in wax laga beddelo dastuurka u degsan dawladda oo laga dhigo mid la jaan qaadi marxaladda cusub ee uu dalku galay.
Qodobka la xiriira in la dhiso dawlad midnimo qaran ayaa waxaa uu dhigayaa in baarlamaanka la ballaarayo oo lagu soo kordhiyo 275 xubnood oo cusub oo ay leeyihiin isbahaysiga dib-u-xoreynta, ururada bulshada rayidka iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed, halka 275-tii xubnood ee hadda jira sidooda loo dhaafo oo tirada xildhibaanada ay noqdaan 550 mudane, waxaana sidoo kale laysla meel dhigay in xubnaha isbahaysiga ee ku sugan Eritrea iyo kooxaha ka dagaalamaya dalka loo daayo 75 ka mid ah 275-ta xildhibaan oo la siiyay isbahaysiga garabka Jabuuti iyo bulshada rayidka.
Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in la marka la dhameeyo dhismaha mudanayaasha baarlamaanka labada dhinac ay kalfadhigooda ugu horreeya ku doortaan guddoomiye baarlamaan, guddoomiyaha baarlamaankana uu soo doorto hoggaanka dawladda la dhisayo taasoo baarlamaanka cod kalsooni ah looga raadin doono.

Sidoo kale dawladda la soo dhisi doono ayaa iyana loo qabtay muddo labo sano ah inay ku soo diyaariso Dastuur qaran oo dalka lagu dhaqo, iyo sidoo kale in labadaas sano kadib la la qabto doorasho xalaal ah oo ay dadweynuhu codkooda ku doortaan si xor ah cida ay doonaan kana dhacda dhamaamba gobolada dalka Soomaaliya.
Kulankaasi ayaa waxaa ka hadllay ra’isul wasaaraha SDomali Nuurc cadde oo sheegay in heshiiskan ay dhinacooda dhaqan gelin doonaan isla markaana ay sii wadi doonaan dib u heshiisiinta Somaliya si nabad loo gaaro, iyadoo dhinaca kale uu u hadlay gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu baqay koocaha an ka qeyb gelin heshiiskan iney ku soo bjraan tageeaha geedi socodka nabada ee Somalia si shacabka Somaliyeed looga saaro dhibaatada uu mudada dheer ku soo jiray, waxaana saxiixa heshiiskan uu ku soo beegmayaa xili aysan waxba weli ka hirgelin qodobadii labada dhinac ay ku gaareen bishii hore isla magaaladaasi oo ay ka mid ahaayeen in xabada la joojiyo iyo in ciidamada Itoobiya ka baxaan melo ka mid ah magaalada Muqdisho oo deegaano u ahaan jiray dadka rayidka ah.

Add New Comment