Xildhibaan iska casilay Barlamaanka

Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame oo   ka   mid   ah   mudaneyaasha baarlamanka   federaalka  Somalia
ayaa shaaciyey inuu  si  rasmi  ah iskaga casilay xilkaasi ka  dib  shir jaraa’id oo  uu  goor  dhoweyd  ku
qabtay hoygiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho. Xasan Dhimbil ayaa intaa ku daray in sababaha uu isku casilayxildhiban dhimbil.jpg ka mid tahay kadib markii sida uu sheegay uu   arkay  in  baarlamanka  uusan ka  shaqeyneyn  danaha   umadda Soomaaliyeed  ee dhibaateysan sidaa awgeedna uu ku dhawaaqay wixii   ka  dambeeya   maanta  oo taariikhdu   ku  began tahay 25-11-2008-da  uu iska casilay xilkaasi
“Macsuum maahi waxaan ahay bani Aadam,  waan  qaldami  karaa  intii aan  hayey  xilkaasi   xildhibaanimo demigii aan   ku  galay  waxaan  ka cafis   dalbayaa   ugana    towbad keenayaa      ilaahay   subxaanahu watacaalaa ayuu yiri ex-xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame. Ma ahan  markii  ugu  horeysay  ee xildhibaan  ka   tirsan  baarlamanka federaalka  ay  ku  dhawaaqo  iney xilkaasi   iska   calineen,   waxaana jiray  xildhibaano  badan  oo  horey ugu   dhawaaqay    iney     booskii baneeyeen, hase   ahaatee  Xasan Dhimibil  Warsame  ayaa  noqonaya xildhibaankii ugu  horreeyey  ee  ka tirsan baarlamanka oo xilkaasi  iska casila isagoo ku  sugan  magaalada Muqdiso ee dalka Somalia.

Add New Comment