Dilalka iyo dhaca Soomaalida K/Afrika loo gaysto

Waxaa dhac iyo boob loo gaystay dukaamo ay leeyihiin ganacsato soomaliyeed oo ku yaalay gobalka Eastren Cape ee dalka K/Africa.dukamada xalay la boobay aya gaaraya ilaa 4 dukaan halka qaar kalene ay isaga sii carareen inta aan la boobin ayago la baxsaday naftooda iyo maalkoodaba.s.afrika.jpg3.jpg

Boobkaan loo gaystay ganacsatada ayaa ah mid daba socda boob sidaan oo kalaa oo laba habeen ka hor loo gaystayganacsato Soomaaliyeed tuulada Injooli oo aan kafogeen tuulada uu xalay boobku kadhacay waxaana halkaasi ka bilowday barakac xoogan ay sameenayaan ganacsatadii kale ayagoo ka sii xeed xeedanay dukaamadooda oo ay la baxsanayaan naftooda maadaama ay gurmad ka helin dowlada K/Africa.

Todobaadkan gudihiisa ayaa waxaa loogeestay inkabadan 15 dukaan dhac iyo Boob halka qaar kalana ay ku bara kaceen ayadoo ay ku timid dhibaato xaga amniga ah. sida uu ii xaqiiyayay Ismail Turky oo ah wariye madax banaan oo ku sugnaay tuulada uu boobka ka dhacay isagoo sawirana ka soo qaaday.

Turki ayaa sheegay in boobkaan uu ka danbeeyay ka dib markii ay shacabka banaabax xoogan ka dhigeen hareeraha tuulada taasoo ay uga cabanayaa shaqo joojin ay sameeyeen B.Lada, dabadeed ayagoo caraysan kaga kor dhaceen ganacsatada soomalida oo mar qura ay ka war haleen ayagoo lagu hareeraysan yahay oo dukaanka boob lagu wado isagoo intaasi ku daray in weli ay cabsi saa'id ah ay jirto.

Shacabka Soomaaliyeed Ee Ku dhaqan Wadanka K/Africa Gaar ahaan Gobalka Eastern Cape ayaa Dhawaanba waxaa ay muujinaayeen niyad jab kasoo wajahday dhanka dhaqalaaha iyo noolasha ay ku heestaan wadanka K/Africa.
 

Shacabka laga tirada badanyahay ee ku dhaqan wadakna K/Africa Gaar ahaan Gobalka Eastern Cape ayaa waxaa soo wajahday burbur hantiyeed iyo boob isdaba joog ah oo uusan jirin wax kagarab siinaayo ama caawinaad ah oo ay ka helayaan dhanka Dawlada ayadoo aysan jirin safaarad ama dawlad Soomaliyeed oo u istaagto xaqa umada Somaliyeed aee ku dhiban wadankan K/Africa ayadoo ay kasoo gaartay dhibaatadii ugu ba,a neeyd tan iyo markii uu wadanka kadhacay Barakiscii ajinabi naceebka ee Bilihii aan ka soo gudubnay kadhacay gabi ahaanba wadankan South Africa.
 

Burburinta iyo Dilka lugu Haayo shacabka Soomaliyeed ayaa waxaa uu salka ku hayaa dadka somaliyeed oo anan aqoonin meel kale oo ay kabilabaan shaqo ama ay ka raadsadaan noolal maalmoodkoodo taas oo la oran karo waxaa ku kalifaayo in ay dhexgalaan dadka madawga ah, 'waa dhaqaalo xumo iyo awood in aysan u laheyn inay ka shaqeystaan meelaha amaanka ah ee magaalooyinka waaweyn.

Add New Comment