Ethiopia oo soo bandhigtay qorshe ay ciidamadeeda kula baxeyso


Dowladda Itoobiya ayaa markii u horeysay sheegtay qorshe ah sidii ay Ciidamadeeda ugala bixi laheyd
Soozanawi.jpgmaaliya, taasoo  qoraal  ku  aadan ay dhowaan u gudbisay Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.
Ra'iisul  Wasaaraha  Itoobiya  Meles Zenawi  oo haatan   ku   sugan magaalada Sanca ee dalka Yemen ayaa sheegay in  dhamaadka bisha December  2008  ay  qorsheynayaan  sidii  ay Ciidamadooda  ugala  bixi  lahaayeen  Soomaaliya.
Atto Meles Zenawi oo indhaha qarsanayo ayaa sheegay  qorshaha uu ciidamadiisa  ugala baxayo Soomaaliya ay tahay iyagoo eegaya  heshiiskii  Jabuuti  ay  ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka garabka  uu  hogaamiyo Shiikh Shariif, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo horay loo qaaday.
  Ciidamada Itoobiya oo taageeraya Dowladda KMG  ayaa dhamaadkii sanadkii 2006-da meesha ka saaray Midowgii  Maxkamadaha  Islaamka ee xilligaas gacanta ku hayay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Haatan oo ay Labo sano sii caga cageyneyso joogitaanka  Soomaaliya.
 Ciidamada  Itoobiya waxaa har  iyo habeen waajahaya weeraro ay ku soo qaadayaan  Kooxaha  Islaamiyiinta, waxaana Dowladda Itoobiya si  rasmi  ah ay  ugu  riiqmeen  dagaalada ka socda Caasimada Muqdisho iyo Dhammaan meel kasta oo ay  kaga talaabeen Caasimadda , waxayna awood u waayeen kuna adkaatay  inay xakameeyaan Xoogagga  muqaawamada ka soo horjeeda , ammaankana ay sugaan.

Add New Comment