Wadahadalka isbahaysiga Dib-u-xureynta iyo Dowlada KMG ee Jabuuti oo laysku mari la'yahay

Wararka ka imaanaya Magaalada Jabuuti  oo uu ka  socdo wadahadalka u dhaxeeya  dhinacyada Dowladda  KMG  ah iyo Isbahaysiga Dibuxoraynta Soomaaliya garabka Jabuuti ayaa la sheegayaa in la isku mari la’yahay qaabka awood qaybsiga dalka. Waxyaabaha keenay is qab qabsiga xubnaha dowladda iyo
Isbahsiga Dib u xoraynta  ayaa  la  shegayaa  in  xubnaha Isbahasiga  ay  soo    jeediyeen    maadaama  la    furayo Baarlamaanka, islamarkaana la doonayo in wax la wadaago ay tahay  in  xubnaha  Baarlamaanka  la  yareeyo,  lagajabuuti shirkii.jpgna dhigo   120-Xubnood  oo  dhinac  walba  ay  keensato  60 xubnood sidaasina ay ku noqdaan Baarlamaanka Cusub ee Dowladda KMG ah. Sidoo kale Xubnaha Isbahaysiga Dib u xoraynta ayaa iyana meesha ka cadeeyay inuu  isbahaysiga  dib u xoraynta  uu yahay mid balaaran oo ay ka kooban yihiin Maxkamadaha islaamiga,  Barlamanka Xorta ah, qurba joogta iyo  Ururada Bulshada Rayidka in xildhibaanada laga  siiyo  70%,  iyadoo ay tahay markaasi in Isbahaysigu uu qaato Tiro Baalamaani ah oo gaaraya 330-Xubnood .Waxaa iminka soconaya wadahadalo hoose  oo  ay  Beesha Caalamka la yeelanaayaan Xubnaha ka socda dowlada KMG Soomaaliya, waxaana sidoo kale shirar gaar gaar   ah iyana yeelanaaya Xubnaha  Isbahaysiga  Dib -u -xoraynta Soomaaliyeed.

Add New Comment