M. Dheere oo la qorsheynayo in hubka laga dhigo ciidankiisa

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dhow xafiiska safaarada Ethiopia ku leedahay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan  guriga  madaxtooyada  ayaa sheegaya inuu soconayo qorshayaal Hub ka dhigis ah oo la  doonayo in lagu sameeyo Maxamed Dheere Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.

Qorshayaashan oo ay wadaan Xubno ka tirsan  wasiirada  taabacsan Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo qaar ka mid ah saraakiisha  ciidamada milateriga ee aad ku dhow Ra'iisul Wasaaraha.

Wararka ayaa sheegaya  in  duhurnimadii  maanta  uu  kulan  qarsoodi  dhex maray saraakiil Ethiopian ah iyo qaar ka mid ah saraakiil caan ah oo ka tirsan Taliska Milateriga Dowladda, kuwaasoo isla soo qaaday suurta gelnimada sidii Maxamed Dheere hubka looga dhigi lahaa.

Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ayaa  horraantii  todobaadkan  ku  wargeliyay Maxamed Dheere inuu soo wareejiyo Hubkiisa, iyadoona Maxamed Dheere  uu ka dhaga adeegay arrintaas, waxaana la sheegay in  hoyga Maxamed Dheere la gaarsiiyay warqad qoraal ah  oo  ka  socotay  genanka  heysta  Ciidamada
Ethiopia ee jooga Muqdisho Yohannes.

Maxamed Dheere oo ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii dalka ayaa haatan ah Siyaasi Hubeysan oo aan wax xil ah u heyn dowladda federaalka, waxaana la sheegayaa in ay dhici karto in Hubka laga wareejiyo maadaama  aysan isku wanaagsaneyn isaga iyo Saraakiisha Ciidamada Ethiopia.

Warar ayaa sheegaya in Maxamed  Dheere  uu  yahay  ninka  ugu  badan  ee heysta  hub  ee  ka  soo  jeeda  Beesha  Mudullood,  waxaana  hubkiisa  lagu qiyaasay ilaa 20  gawaari  dagaal  oo  noocyada  kala  duwan  ah,  kuwaasoo qaarkood la sheegay inuu geeyay Xarunta Madaxtooyada oo  uu  ku  xoojiyay ilaalada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Maxamed Dheere ayaa dhowaan  ka  hor  yimid  Maamulka  Gobolka  Banaadir, isagoona sheegay in Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde uu si gaar ah Maamulkaas u magacaabay, isla  markaana  waxaa  uu  sheegay  in  aanu  aqoonsan  doono maamul gacan ku rimis ah oo uu Nuur Cadde qolkiisa ku magacaabay.

Add New Comment