Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in dowlada KMG xiligan aysan u qorsheysneeyn inay dagaalo ku qaaddo, kulana wareegto goobaha ay la wareegeen xoogaga muqaawamada ee ka soo hor jeeda.

Salaad Cali Jeele oo  ah  Wasiir-ku-xigeenka  Wasaarada Gaashaandhigaayaa   sheegay  in  markii  horeba  ay  keentay  in ay  xoogagga muqaawamadu qabsadaan goobo badan oo dalka ah, dowlada oo aan laheyn ciidamo  badan  oo  u  diyaarsan  isla  markaana  difaaca, ayna xiligan diyaar u aheyn in dagaal  ay  kula  wareegaan  ama  ay  ku qabsadaan deegaanada ay ka arimiyaan xoogagga Muqaawamada.
Wasalaad cali jeele1.jpgsiir ku xigeenku  wuxuu    sheegay  in  dhankooda  ay  ixtiraamayaan heshiikii dalka  Jabuuti  ay  kuwada  gaareen  dowlada  iyo  Isbeheysiga dib u xoreynta. Hadalka Wasiir ku xigeenka oo horay  looga  bartay  in  uu  warbaahinta hadalo   kul kulul  ka  yiraahdo  dagaalada   ay  dowlada  iyo  ciidamada shisheeye  kula   jireen  xoogaga  ka   soo   horjeeda   ayaa  waxaa  uu xiligan  u   muuqaada   ama   ka   turjumayaa   awood   yarida   la   soo gudboonaatay Dowlada KMG Soomaaliya,sidoo kale waxaa uu hadaalkiisa ku soo aadayaa xili Xoogagga  Muqaawamadu  ay  deegaano  hor leh oo dalka Soomaaliya ka tirsan ay la wareegayaan.

 kala soco www.SilGor.com
wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladda Somalia iyo caalamkaba.

Add New Comment