Labo Wariye oo ajnabi ah ayaa galabta lagu afduubtay

    Afduubka labadaan wariye ayaa waxaa  lagu caddeeyey  war uu saxaafadda  siiyay  lataliyaha madaxweynaha  Puntland ee dhanka  warfaafinta   Bile Max'ud Qabowsade  oo  isagu sheegay  in  afduubkani  uu  ka  dhacay  gudaha  magaalada Bosaaso kuwaasi oo lagala baxay hottel ay ku suganaayeen oo ku yaala gudaha magaaladaasi. Bile Maxamuud Qabowsade  waxaa uu  sheegay  in  raggaani afduudkooda ay ka dambeeyeen rag ka agdhawaa hotelka ay daganaayeen kuwaasi oo ilaa iyo hada aan la garanayn halka ay la aadeen saxafiyiintaasi. Kooxdaan afduubtay wariyayaasha ayaa la sheegayaa in ay ku sii jeedeen deegaanka mareere oo ah halka ay ka baxaan tahriibta  gudaha magaalada Bosaaso iyagoo aan  la  aqoon halkii ay kala sii aadeen. Darawalkii gaariga  u  waday  u  saxafiyiintan  oo  magaciisa lagu soo gaabiyay Liibaan ayaa sheegay in  suxufiyiintan  oo u kala dhalatay  wadamada  England  iyo  Airland  ay  ku  sii jeedeen wadanka dibadiisa maanta xiligii la afduunayay.

Majiro wax talaabo ah oo  ay  qaadeen  maamulka  Puntlnad oo ay ku baadi goobayaan saxafiyiintaasi ajaanibta ahaa  ee maanta lagu afduubtay magaalada Bosaaso.

Add New Comment