Dagaal dhinaca guurka ah oo ka dhax bilawday Dhalinyarada bagamuudada ah iyo odayaasha dibada ka yimid ee heesto baasaboorada ajaanibka ah (Dhacdo la yaab ah Akhri)

Dhalinyarada Soomaliyeed ee ku nool gudaha wadanka iyo wadamada dariska la ah Soomaaliya ayaa ka cabanayo odayaasha ka soo shaqaystay wadamada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ,waxayna cabashadaan salka ku haysaa ayaga oo dhalinyarada laga fara marooqsado had iyo goor Gabdhaha ay wada socdaan kana dhaxeeyo xariirka lamaane marka uu meesha ku soo dhax dhaco oday aan hadleen balse jeebkiisa uu hadlaayo taas oo dhalin yaro badan ku riday niyad xumo .

Arintaan ayaa ah arin inta badan ay qarsanayeen dhalinyarada Soomaliyeed balse mudooyinka danbe soo yara iftiintay kadib markii dhalinyaro badan ay wayeen lamaanayaal xariir qota dheer kala dhaxeyay sabab la xariira dhanka dhaqalaha madaama ay dhalinyarada inta badan aysan shaqo hayn wadankiina ay ku badatay baga mudanimada,waxaana inta badan dhalinyaradaan xariirkooda soo afjaro odayaasha heesto lacagaha walan ee soo shaqaysteen.

jaceel.jpg

Hooyo iyo Aabe walbo ee Soomaliyeed waxay hada Gabadhooda u radiyaan nin ka imaaday dibada oo kaliyah iyaga oo ku racayo Basboorka iyo dhaqalaha yar ee uu soo shaqaystay balse la fiirinayn dooqa gabdha iyo ninka dabeecadiisa iyo hab dhaqanka diintiisa .

Gabdhaha Soomaliyeed ayaa inta badan waxaa lagu cuburiyaa xoriyada guurgeeda iyada oo ay waalidka ugu caga jugleyaan haday kaynsato nin cida waxne aan ku soo kordhinayn dhanka dhaqalaha in la dayrinaayo .

Arintaas aya qasabtay in gabar walbo oo ka baqayso caga jugleenta waridka ay ka cararto dhalinyarada asageeda ah ee siini kara farxada iyo ciyaarta ay rabto markaas una cararto oday nafteeda aysan ku faraxsaneen balsa ay rabto oo kaliyah heblo waxaa guursaday ama soo doontay nin ka yimid dibada .

Dhalinyarada aan ka bixin wadanka ayaa waxaa soo wajahay caqabado xaga nolosha iyo shaqa la'aanta waxaana hada ka sii daray in lagu adkeyay guurka oo aan la rabin xitaa nin soo dhacsanayo nolol maalmeedkiisa oo la rabo bas nin heesto basaboor iyo lacag ka badan nolol maalmeed.

Waqtiyadaan danbe waxay bilabeen dhalinyarda in ay ka soo tagaan wadanka ayaga oo dhamantooda wadanka ka soo aday tahriib kuna soo jeeda wadamada yurub si ay u helaan basaboor ayaga oo aminsan in hadii ay helaan basaboor aysan wayneen gabar qurxoon oo jeclaato.

Dagaalkaan u dhaxeeyo odayaasha heesto basaboorada ee dhameyay gabdhaha yar yarka ee quroxoon iyo dhalin yarada baga muudada ah ayaa ah mid hada bilawday iyaga oo inta badan dhalinyarada ka niyad jabeen gabdhaha daneeyo lacagaha ee aan aqoonin jaceylka .

Hadaba waxaan wada sugeynaa meesha uu dagaalkan cirib dhigto iyada oo lagu balamay ninkii basboor helin in uusan helayn gabar qurxoon oo sharaf iyo isluub leh nin kastane laga rabo basaboor hadii kale uu qadi doona daadka .

 

Add New Comment