Bannaanbax taageero ayaa maanta ka dhacay qeyboka mid ah magaalada Muqdisho

Bannaanbax lagu taageeraayo  hishiis ay wada saxiixeen dowlada KMG  iyo Isbeheysiga Dib-u-xoreynta garabka Jabuuti ayaa maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
 
Dibadbaxayaashaan oo iyagu ahaa  kuwa  socod  ku  marayay  qaar  ka mid  ah  xaafadaha  degmada  Boondheere  ee  gobolka  Banaadir  ayaa waxaa  ay  ku   dhawaqayeen   hadallo   soo   dhaweyn  ah  oo  ay  ku taageerayeen heshiiskii xalay dalka Jabuuti ay  ku  gaareen  isbahaysida iyo dowlada KMG Soomaaliya. Sidoo  kale   banaanbaxayaasha   ayaa waxa ay soo  dhaweeyeen maamulka cusub ee dhawaan loo sameeyay  gobolka  Banaadir  kaasi oo uu horkacayo gudoomiyaha dhawaan  loo  doortay  ee  Maxed Cusmaan Cali Dhagaxtuur. Qaar  ka  mid  ah  dadkii  dibadbaxaasi   ka   qeyb   galay  islamarkaana arigtidooda ka dhiibanayay ayaa waxaa ay ku  dhawaaqayeen weero ay  ku taageersan yihiin heshiikii dalka Jabuuti ay kuwada gaareen  dowlada KMG iyo Isbeheysiga Dib u xoreynta iyo weliba maamulka Cusub ee  dhawaan loo sameeyay gobolka Banaadir.

 Banaanbaxaani maanta ka dhacay qaar ka mid  ah  xaafadaha  degmada Boondheere  ee  gobolka Banaadir  ayaa  ku  soo  beegmaya  xili  xalay dalka Jabuuti ay heshiis ku  gaareen  dhinacyadii  halkaasi  ku  shirsanaa ee  dowlada  KMG   iyo  isbahaysiga  dib-u-xoraynta  garabka  Jabuuti, waxaana ay  sidoo  kale  dibadbaxaani  uu  daba  socdaa  banaanbaxyo dhawaan lagu muujinayay  taageerada  loo   hayo  maamulka  cusub  ee gobolka Banaadir oo ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Add New Comment