Xukuumadda Somaliland oo Ururka Al-Shabaab iyo Hoggaankiisa ku eedaysay inay fuliyeen, soona abaabuleen Qaraxyadii Hargeysa

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland -Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro)
Khamiis, 27 November 2008 (HOL): Xukuumadda Somaliland ayaa maanta sheegtay in Weeraradii Qaraxyada ahaa ee lala beegsaday Madaxtooyada Somaliland, Xafiiska Ganacsi ee Itoobiya ee Hargeysa iyo Xarunta UNDP in ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab. Kuwaas oo magacowday Xukuumaddu cidda ay sheegeen in ay soo abaabuleen.cirro.jpg

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo ay weheliyaan Wasiir-xigeenka Qorshaynta Somaliland Axmed Xaashi iyo Agaasimaha guud ee Daakhiliga, ayaa shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Xarunta Wasaaradda Daakhiliga ku shaaciyay Natiijada Baadhitaano ay muddo wadday XUkuumaddu.

“Dhacdadii dhacday 29-kii October ee dhimashada, Dhaawaca iyo khasaarahaba geysatay oo maanta laga joogo 29-Maalmood oo kale. Markaa 29-kaa Maalmood gacantaa lagu hayay Baadhisteedii, si xaqiiqada loo ogaado. Iyada oo wali baadhisteedii socoto oo Maxkamaddu natiijada u dambaysa ku dhawaaqaysa, balse anagu inta Maxkamadda ka horaysa cidda aanu gacanta ku hayno aanu nidhaahdo waa Eedaysanayaal, dambiilayaal-na ay noqonayaan marka ay Maxkamadda tagaan, ayaanu doonaynaa in aanu Umadda u sheegno oo aanu iftiimino.” Ayuu yidhi Wasiirka Daakhligu, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi,

 “Marka ugu horraysa kelmadda aanu Umadda Somaliland iyo Caalamkaba u sheegaynaa Weerarkii halkan ka dhacay ciddii ka dambaysay ee soo abaabushay ee Madaxda ka ahayd ee hawl-galka fulisay, kuwii ku dhintay iyo kuwa ka hadhay meel kastaba ha joogaane, waxa weeye Kooxda la yidhaahdo Al-Shabaab..”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu Kooxda Al-Shabaab ku eedeeyay inay hawl-gallo kala duwan oo soo taxnaa ilaa sanadkii 2000 ka fuliyeen Somaliland. “Kooxda Al-Shabaab maaaha markii u horraysay ee ay Somaliland soo weerarto, waxay soo weerartay marar badan oo is-daba jooga. Weerarkii u  horreeyay wuxuu dhacay 19-kii September 2000, waxay afduubeen Baabuur Hay’adda WFP leedahay. Kooxdii Afduubay waxa watay Ninkii la odhan jiray Kuutiye. Waxa ku xigay Dilkii nin la odhan jiray Martin oo 30 December 2002 lagu dilay Hotel Star ee Hargeysa, kooxdaas ayaa isla dilkaas fulisay. Waxa ku xigay dilkii dhacay 05 October 2003, kaas oo lagu dilay Dhaqtarraddii Analina la odhan jiray ee Talyaaniga ahayd oo Borama lagu dilay.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaa ku daray oo uu yiri:

“Waxa kale oo xigay Dilkii Lammaanihii Dugsiga Sare ee Sheekh oo  la dilay 8 November 2003. Waxa iyana xigtay Dhacdadii Lacagta laga dhacay Wajaale oo ahayd 1-Bilyan oo 400-Milyan oo Birr oo lacagta Itoobiya ah, waxaana Madax ka ahaa Kooxda dhacday Axmed Cabdi Godane. Waxa iyana xigtay Dilkii Gabadhii Kenyan-ka ahayd ee 19-kii January 2004. 27-kii April 2006 ayaa iyana Miino aad u tiro badan lagu qabtay Hargeysa. sidoo kale iyana waxa jirtay Hawl-gal aad u ballaadhnaa oo la damacsanaa in Weerar lagu qaado oo aanay u hirgelin Doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa, kaas oo Xamar laga soo dhisay oo nimanka Madaxda ka ah Al-Shabaab, gaar ahaan Aadan Xaashi Cayrow Ninka la yidhaahdo oo dhintay iyo Ninka la yidhaahdo Axmed Cabdi Godane iyo Ibraahim Jaamac Meecaad ay soo abaabuleen, wuxuu dhacay 22 September 2005. Waana la wada qabtay dhammaantood.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu sheegay in Qaraxyadii ka dhacay Hargeysa 29-kii October ay soo abaabuleen Hoggaanka sare ee Ururka Al-Shabaab. “Kiiskan-na Axmed Cabdi Godane iyo Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) ayaa soo abaabulay oo Madax ka ahaa. Waxa kale oo abaabulka Kiiskan kaalinta koowaad ka ahaa Cabdifataax Cabdilaahi Guutaale oo Dhalasho (Green Card) Maraykan ah watay, isla markaana Baasaboor Soomaali ah marna kaga soo degay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa, marna kaga dhoofay.

 Labada jeer-ba waa isku mid Baasaboorku, laakiin Magaca ayaa kala bedelan, oo marna waxa u qoran Cabdilaahi Guutaale, marna Axmed Muuse. Markaa inkasta oo Madaxdii halkaa (Muqdisho) joogaan, haddana ninkaas ayaa Madax u ahaa Kooxdii halkan (Somaliland) iyo nin kale oo la yidhaahdo Nuur Sh. Muxumed oo fakaday iyo sidoo kale nimanka hadda xidhan ee aad ogaan doontaan marka Maxkamadda la horgeeyo.” Ayuu yiri Wasiirku, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Markaa hadafkoodii ay inta badan kaga hadleen goobta ay Dhalinyarada yar-yar Maskaxda kaga bedelaan ee ay odhan jireen Somaliland Nabadgelyada ka jirtaa waa Sanam ay caabudaan ee aynu ka burburino, waxaanu Kiiskii u horeeyay ilaa kan uu hadafkoodu ahaa in ay Nabadgelyada Somaliland khalkhal geliyaan.” Waxaanu Wasiirku si ba’an ugu eedeeyay Al-Shabaab inay cadow u yihiin Somaliland..

“Axmed Cabdi Godane iyo Ibraahim Jaamac min labaatan sanno ayay ku xukuman yihiin oo Kiisaskii hore ayaa lagu xukumay, laakiin ka sokow iyaga agteena waa ka dambiilayaal xukuman oo Caalamka aanu u sheegnay. Si kastaba ha ahaatee, waxaan Caalamka iyo Umadda reer Somaliland-ba u caddaynayaa haddii aanu nahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, cadowga Somaliland ilaa maalintii u horaysay ilaa maanta waa Al-Shabaab, magac kasta oo kale ha huwadaane. Maalintii dhawayd markii Qaraxyadani dhaceen Ina Cabdi Godane wuxuu ugu khudbadeeyay kuwii uu la hadlayay in ay Waajib guteen, aad iyo aad ayay ugu riyaaqeen oo waxa kale oo ku jira Xasan-Turki. Arrintooda sida ugu dhaqsaha badan ayaanu Maxkamadda ugu soo gudbinaynaa, mid maqan iyo mid jooga-ba waanu eedaynaynaa oo aanu Xukumaynaa, goob-joogna waad ka ahaan doontaan.” Ayuu yiri Wasiirku.

Gebo-gebadii Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu ka warbixiyay gobollada ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan dadka fuliyay Qaraxyadani. “Inta is-qarxisay waa lix nin, nin kaliya ayaa reer Somaliland ah inta kale waxay ka yimaadeen Koonfurta Somalia gobolkay doonaan ha u dhashaane. Waxaanu aqoonsanay Magacyadooda laba ka mid ah, hase ahaatee kuwaasi dhinte, balse waxaanu haynaa oo xidhan kuwii Gacanta siiyay ee taakuleeyay iyo kuwii qaban-qaabiyay, Maxkamadda ayaanu keeni doonaa. Waxaana xidhan dhawr iyo toban qof oo isugu jira reer Somaliland iyo reer Koonfur..Waad ogtihiin in aanay Somalia ka jirin Dawlad aanu ka ashkatayno oo noo soo qabataa, balse Caalamka ayaanu u sheegaynaa.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Muddo haatan laga joogo 29-maalmood oo ahayd 29-kii October ee sanadkan ayay ahayd markii Weeraro Qaraxyo Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday Gaadiid laga buuxiyay Waxyaabo Qarxa lala beegsaday Madaxtooyada Somaliland, Xafiiska Ganacsi ee Itoobiya iyo Xarunta UNP ee Hargeysa. kuwaas oo ay ku dhinteen inta la ogyahay 24 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 28 qof oo kale.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online

Add New Comment