Isbaheysiga, Dawladda iyo heshiiska Jabuuti

Mas'uuliyiinta sar sare  ee  Dowladda  Federaalka  iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta ayaa siyaabo kala duwan
uga hadlay qorshaha tiro kordhinta Baarlamaan ay ku mideysan  yihiin  labada  dhinac,  kaas  oo  ka  yimid
heshiis ay ku kala saxiixdeen Dalka Jabuuti.
Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Nuur  Xasan Xuseen (NuurCadde) ayaa ku tilmaamay ballaarinta in
barlamaanka  oo  ay  Dowladda   iyo  Isbaheysigu  ku mideysan yihiin ay tahay tallaabada  kaliya  ee  dalka
looga saari karo dhibaatooyinka. Isagoo la hadlayay Idaacada  BBC-da  ayuu  sheegay
Nuur Cadde inay kalsooni  aad  u  weyn  ugu  qabaan heshiiska awood qeybsiga ee ay wada gaareen  iyaga
iyo walaalahood Isbaheysiga,  waxaana  uu  xusay  in tani ay tahay kalsooni abuurid labada dhinac ahba.
"In tashwiish la  geliyo  maahan  tirada Baarlamaanka lagu kordhiyay ee 550-xidlhibaan, waxaan  u aragnaa
in ay tahay mida kaliya ee dhibaatada looga bixi  karo waayo   hadii   la   ballaariyo   oo  Isbaheysigana  ka
yimaadaan 200 xubnood 75-ta kalena ay bulshada ka yimaadaan  waa  arrin  "wanaagsan" ayuu yiri Ra'iisul
Wasaare Nuur Cadde.
Nuur Cadde ayaa intaa ku daray inay rajeynayaan sidii ay u dhaqan  gelin  lahaayeen  ka  hor  inta aysan
dhamaan waqtiga Dowladda iminka u harsan
   Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga dib u Xoreynta Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna dhankiisa sheegay in uu  aad  ugu  faraxsan  yahay in xilligan laga shaqeeyowixii danta  umada soomaaliyed, wuxunaku tilmaamay qrshaha tiro kordhinta mid suura gelineysa in Dowlad loo dhan yahay ay ka hana qaado dalka, taas  oo  uu  sheegay inay wax ka badali karto dhibaatooyinka dalka ragaadiyay.
   Hadalada Labadan Mas'uul  ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan   Xubnaha   Isbaheysiga  Dib u Xoreynta  iyo Dowladda   KMG  heshiis awood qeybsi dowlad midnimo qaran ku kala saxixdeen magaalada Jabuti, kaasoo aan la  ogeyn   sida  uu  wax  uga  badali  karo  xaaladaha qalafsan ee ka jira Dalka. Cabdullaahi Yusuf  Axmed   oo  aan  heshiiskaas  goob joog ka aheyn ayaa la ogeyn sida  uu ku  aqbali  karo,  iyadoona qorshaha socda uu  yahay  mid xagal daacin kara xilka  uu  haayo  ee  Madaxweynenimada, taasoo ay kula tartamayaan  xubnaha  mucaaradka,  hadii  la  suura geliyo in la isku dhafo  dowladda iyo Isbaheysiga  garabka uu hogaamiyo Sheekh Sharif

Add New Comment