SilGor 1/28/2011 6:00:46 AM
Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya heekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay muddo labo maalmood ah safar ugu maqnaayeen magaalada Kampala ee xarumta dalka Ugand.
HOL 1/26/2011 11:07:07 AM
Ergayga xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, Danjire Augustine oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa ka hadlay howlgalka ciidammada AMISOM iyo jiritaanka dowladda Soomaaliya.
Shabelle 1/24/2011 2:23:17 PM
Ciidamada Culumaaudiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, iyadoo dagaaladaasina ay ka hadleen masuuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca.
HOL 1/24/2011 2:17:36 PM
Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay xiriirka u jarayso shirkadda Saracen International, oo ay la gashay heshiis aan weli shaaca laga qaadin oo lagu tababarayo ciidammada ammaanka, gaar ahaan ilaalada gaarka ah ee madaxda dowladda.
SilGor 1/23/2011 6:42:10 AM
Roobab lagu diirsaday ayaa lagu soo warramayaa inayka da'een qaybo ka mid ah gobollada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya oo ay waqtigaan ka taagneyd abaar si weyn ugu dhufutay oo ay waxyeello weyn kasoo gaartay dadka iyo duunyadaba
SilGor 1/23/2011 6:16:32 AM
Wafdigii uu hoggaaminayey Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa xalay soo gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay soo dhammeyteen booqasho rasmi ah oo ay maalmahan ku joogeen waddanka Talyaaniga.
SilGor 1/22/2011 9:13:58 AM
Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Agustine Mahiga, ayaa maalinnamadii shalay ugu baaqay caalamka inay taageero u fidiyaan ciidammada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.
SilGor 1/22/2011 8:42:41 AM
Burcad-badeed Soomaali ah ayaa ku fashilmay inay afduub u geystaan markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Malaysia, kaddib markii ciidamada badda dalkaasi ka jooga biyaha Soomaaliya ay u soo gurmadeen gacantana ku dhigeen burcaddii.
HOL 1/22/2011 8:20:38 AM
Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo horay u sheegay inuu ka baxay dowladda Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inuu wadahadallo cusub kula jiro dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in dhawaan ay si wadajir ah ugu dhawaaqi doonaan wixii kasoo baxa.
HOL 1/21/2011 6:00:59 PM
Ninkan xoolaleyda ah ayaa la sheegay in uu ku wajahnaa degmada bu'aale isagoo ka yimid baadiyaha fog halkaas oo uu ku dhaqaaleysan jiray xoolo kuwaas oo uu ka soo tagay kadib markii ay la socon waayeen oon iyo haraad
SilGor 1/20/2011 7:12:55 PM
Waxaa Caawa Tuulada Raqayle Aw Samoow ku geeriyootay Allaah ha u naxariistee marxuumada Xaawo Sheekh Nuur oo dhowr iyo Sagaashan jir ahayd(92 sano), waxaana geerideeda la ogeysiinayaa dhammaan eheladeeda meel kasta oo ay dunida ka joogaan.
HOL 1/20/2011 1:08:07 PM
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Muqdisho, kaddib markii ay kasoo qaybgaleen shirkii Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay magaalada dalka Masar.
SilGor 1/19/2011 9:25:22 AM
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Jaamacada Carabta oo maanta ka furmay Magaalada Sharma-Sheykh ee dalka Masar kaasoo looga hadlaayo arrimaha Dhaqaalaha iyo bulshada wadamada ku bahooway ururkaasi







'
World News