Ciidamada Badda Malaysia oo badbaadiyey markab dalkooda laga leeyahay, gacantana ku dhigay burcad-badeeddii


Burcad-badeed Soomaali ah ayaa ku fashilmay inay afduub u geystaan markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Malaysia, kaddib markii ciidamada badda dalkaasi ka jooga biyaha Soomaaliya ay u soo gurmadeen gacantana ku dhigeen burcaddii.

Markabkan ganacsi ee laga leeyahay dalka Malaysia ayaa sida la sheegay siday saliid, waxa uuna kusii jeeday dalka Singapore xilligii ay weerarka kusoo qaadeen burcad-badeedda Soomaalida, markaasuu gargaar weydiistay maraakiibta caalamiga ee ilaaliya marinnada ganacsi ee ku dhow dhow biyaha Soomaaliya.

Waxaa beryahan dambe si isdaba-joog ah u soo baxaya wararka sheegaya  in jab weyn uu soo gaaray kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ah ee dhibaatada ku haya maraakiibta ganacsi ee caalamiga ah, kaddib markii dhowaan ciidamada badda ee Kuuriyada Koonfureed ay xoog kusoo furteen markab dalkooda laga lahaa iyo ciidamada badda ee dalka Yaman oo ayagana dhankooda sheegay in soo badbaadiyeen dooni dalkooda laga leeyahay. 

Add New Comment