Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo sheegtay inay xiriirka u jarayso shirkadda Saracen International


Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay xiriirka u jarayso shirkadda Saracen International, oo ay la gashay heshiis aan weli shaaca laga qaadin oo lagu tababarayo ciidammada ammaanka, gaar ahaan ilaalada gaarka ah ee madaxda dowladda.

"Heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda Saracen, dhawaan ayaa lasoo gabagabeynayaa... waayo ma aqbali karno in dalkeenna ay ka howlgalaan shirkado calooshood u shaqeystayaal ah," ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/kariim Xasan Jaamac oo u warramayay wargeyska The New York Times oo kasoo baxa dalka Mareykanka.

Mr. Jaamac, wuxuu sheegeay in heshiiska dhexmaray DKMG iyo shirkadda Saracen, uu ahaa in tababarro la siiyo ciidammada dowladda, gaar ahaan kuwa ammaanka si loosoo afjaro dagaallada ka taagan dalka Soomaaliya, balse uusan ahayn in dalka ay ka howlgalaan calooshood u shaqeystayaal.

"Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Saracen, heshiiskii dhexmaray ma ahan mid wanaagsan, waayo ma doonayn inaan xiriir la sameyno shirkado kale oo calooshood u shaqeystayaal ah, balse waxaan doonaynaa in dhinaca tababarka ciidanka nalaga taageero," ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Aasaasihii shirkadda Black Water, ayaa dhawaan sheegay inay ka howlgeli doonaan Soomaaliya, ayna shirkadda Saracen ka caawin doonaan tababarka ay ciidammada dowladda Soomaaliya siinayso, ayna tababari doonaan 2,000-askari oo kuwa badda ah.

Dowladda Maerykanka, ayaa dhankeeda iska fogeysay inaysan la socoto heshiiska dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo shirkadaha Saracen International, kaasoo lagu tababarayo ciidamada dowladda Soomaaliya.



Add New Comment