HOL 1/9/2011 12:36:22 PM
Sheekh Mukhtaar Roobow oo maanta ka hadlay muxaadaro ka dhacday degmada Baydhabo , ayaa ku baaqay in la xoojiyo dagaallada lagula jiro dowladda Soomaaliya iyo ciidammada AMISOM, isagoo shacabka ugu baaqay inay dagaallada ka qaybqaataan.
HOL 1/7/2011 9:00:31 PM
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo dib ugu laabtay Muqdisho maanta oo Jimco ah, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay inuu soo dhaweynayo guddiga taakuleynta abaaraha ee dowladda KMG ah magacowday.
SilGor 1/6/2011 8:24:33 PM
Waxaa maanta magaalada Brescia ee dalka Talyaaniga ku geeriyootay Allaah ha u naxariistii marxuumadda Maryan Sheekha Yare ( Maryan Brescia) oo 40 sano jir aheyd, waxaana geerideeda la ogeysiinayaa dhammaan eheladeeda oo kala jooga dalka iyo dibadiisa
HOL 1/6/2011 7:54:58 PM
Maanta waxaa shir isugu yimid Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed shirkaasoo uu guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).
SilGor 1/5/2011 7:25:23 PM
Xaflad ballaaran oo xilwareejin ah oo ka dhacday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa xilka kula wareegayay Agaasimaha cusub ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Abuukar Daahir Cismaan waxaana munaasabadan ka soo qeyb galay Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo marti sharaf kale (Sawiro)
HOL 1/5/2011 2:08:37 PM
Hay'adda ICRC, ayaa warbixin ay maanta oo Arbaco ah soo saartay ku sheegtay, in dagaallada ka sii socda Soomaaliya ay xaaladda kasii dareen, ayna ku qasbeen in ka badan hal milyan oo qof inay u baahdaan gargaar bani'aadamnimo oo caalami ah.
silGor 1/4/2011 6:07:29 PM
Ambassador Augustine Philip Mahiga ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia kulamo kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif,Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxda sare ee ciidamada AMISOM
SilGor 1/3/2011 8:27:12 PM
Taliyaha ciidammada badda iyo difaaca xeebaha Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), wuxuu sheegay ciidammada badda Soomaaliya inay howlgallo ka billaabeen badweynta Hindiya,muddo aad u yar kadib waxay qabteen markab dhuxul sharcidarro ah kasoo qaaday gobollada koonfurta Soomaaliya
HOL 1/2/2011 7:51:49 PM
Dowladda Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay sheegtay inaan looga dhoofi karin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho baasaboorkii hore ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in lagu dhoofi karo oo keliya baasaboorka cusub ee E-Passaport.
SilGor 1/1/2011 10:47:48 PM
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif, ayaa ka hadlay abaaraha dalka ka taagan, wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay inay gargaar lasoo gaarto shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu waxyeellada u geysteen, wuxuuna sheegay roob la'aantu inay saameysay nolosha
HOL 12/31/2010 9:52:53 PM
Amiirka Xarrakatul Shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay midowga Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam, isagoo ku timaamay tallaabo horay loo qaaday oo lagu xoojinayo awoodda Mujaahidiinta.
SilGor 12/30/2010 10:22:31 PM
Shir uu guddoominaayey Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa maanta uu yeeshay Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya kaaso ajandahiisu ahaa in su'aalo lagu weydiiyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo
SilGor 12/29/2010 2:09:08 PM
Xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ku ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2011 ee ay dhowaanta ay gudbisay







'
World News