Danjire Mahiga oo ka hadlay xilliga u harsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo howlaha nabad-ilaalineed ee ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM


Ergayga xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, Danjire Augustine P. Mahiga oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa ka hadlay howlgalka ciidammada AMISOM iyo jiritaanka dowladda Soomaaliya.

Danjire Mahiga, wuxuu sheegay in Qarammada Midoobay ay codsanayso in xilliga yar ee u harsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya aan la carqaladeyn, isagoo aan sheegin go'aankooda ku aaddan marka uu dhammaado xilliga DKMG ah.

"Qarammada Midoobay, waxay ku baaqaysaa inaan la carqaladeyn xilliga toddobada bilood ah ee u harsan dowladda Soomaaliya," ayuu danjire Mahiga ku yiri shirkiisa jaraa'id, isagoo ku tilmaamay xukuumadda Soomaaliya inay tahay middii ugu tayada wanaagsanayd ee soo marta Soomaaliya mudadda 20-ka sano ee colaaduhu jiraan.

Wuxuu sheegay, in DKMG ah, looga baahan yahay in xilliga u harsan ay howlaha horyaalla ku dhameystirto, isagoo xusay in marka la is-bar-bar-dhigo xilliga u harsan dowladda iyo howlaha horyaalla ay aad u kala badan yihiin.

"Dowladda Soomaaliya, waxaa horyaalla howlo badan oo ay ugu muhiisan yihiin laba qodob oo kala ah: dhameystirka qoraalka dastuurka iyo inay dadaal u gasho sidii Soomaaliya ay uga bixi lahayd dowlad KMG ah," ayuu yiri Mahiga oo sheegay in xafiiska UNPOS uu gacan ka geysan doonaan sidii dalka uu uga bixi lahaa ku-meel-gaarnimada.

Ergaygu, wuxuu si qoto dheer uga hadlay dastuurka iyo hirgelintiisa, isagoo walaac ka muujiyay sida lagu hirgelin karo, wuxuuna sheegay in dastuurka uu ku hirgeli karo oo keliya markii ay shacabku u codeeyaan.

"Dastuur la higeliyo, waxay u baahan tahay in la helo nabad ay dadku codkooda ku dhiiban karaan, taasina maanta kama jirto Soomaaliya. Balse haddii ay colaaddu sii socoto, waxaa suurogal noqon doonta in la raadiyo qaab kale oo siyaasadeed," ayuu yiri Mahiga.

Sidoo kale, shirkiisa jaraa'id wuxuu si kooban uga hadlay howlgalka AMISOM, isagoo sheegay in dhawaan la gaarsiin doono Muqdisho ciidammadii 4,000 askari ahaa ee la golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay uu isku raacay in lagu kordhiyo 8,000 ee Muqdisho ku sugan.

"Howlgalka ciidammada AMISOM, waa mid ku kooban Muqdisho, haddii loo baahdo inay gobollada kale ee dalka loo gudbinayana, waxay u baahanaysaa in la codsado," ayuu yiri Mahiga, taasoo ka yaabisay inta badan wariyeyaashii shirka jaraa'id kasoo qaybgalay.

Ciidammada AMISOM, ee ku sugan Muqdisho, ayaa waxay ka howgalaan qaybaha ay dowalddu kaga sugan tahay caasimadda Soomaaliya, iyagoo si gaar ah ilaalo uga haya garoonka diyaaradaha, dekedda iyo xarunta Madaxtooyada.

Ugu dambeyn, mar uu ka hadlay gargaarka bani'aadamnimo, ayuu sheegay inay ku xiran tahay nabad la helo, isagoo sheegay in gobollada ay ka taliso Xarrakada Al-shabaab aanay hay'adaha gargaarku ka howlgeli karin, inay ka howlgalaanna ay ku xiran gobolladaas ay dowladdu la wareegto.

Add New Comment