Ra'iisul-wasaare Farmaajo oo soo gaaray magaalada Abu Dhabi ee waddanka Isutugga Imaaraadka Carabta

Wafdigii uu hoggaaminayey Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa xalay soo gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay soo dhammeyteen booqasho rasmi ah oo ay maalmahan ku joogeen waddanka Talyaaniga.

Ra'iisul-wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxa gegida dayuuradaha caalamiga ah ee magaalada Abu Dhabi si diirran uu soo dhoweeyey Qunsulka safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta mudane Cabdulqaadir Shiikheey iyo mas'uuliyiin kale.

Ra'iisul-wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa maalmihii la soo dhaafay ku jiray safarro ay ku soo kala bixiyeen magaalada New York e waddanka Mareykanka oo ay uga qayb-galeen shirkii Qaramada Midoobay iyo dalka Talyaaniga oo ay afartii maalmood ee ugu dambeysay ay ku sugnaayeen.

Ra'iisul-wasaare Maxamed Cabdullaahi iyo wafdigiisa ayaa intii ay joogeen dalka Talyaaniga waxa kulamo la qaateen madaxda sare ee dalkaasi oo ay ku jiraan ra'iisul-wasaaraha dalkaasi Silvio Berlusconi iy wasiirkiisa arrimaha dibedda Franco Frattini, kuwaasoo y isla soo qaadeen xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Talyaaniga ay gacan uga geysan lahayd dib-u-dhiska Soomaaliya.

Safiirka dowladda Soomaaliya u qaabilsan dalka Talyaaniga iyo Midowga Yurub mudan Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in booqashadii ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay dalka Talyaaniga ay ku soo dhammaatay si wanaagsan.


Add New Comment