Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo beesha caalamka ugu baaqday i la taageero ciidamada dowladda iyo AMISOM


Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Agustine Mahiga, ayaa maalinnamadii shalay ugu  baaqay caalamka inay taageero u fidiyaan ciidammada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.

Mr. Agustine Mahiga oo magaalada Jabuuti dhowaan kula kulmay madaxweyne Sheekh Shariif iyo saraakiil ka socotay beesha caalamka ayaa ku baaqay in si buuxda loo taageero ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

"AMISOM, waxay dagaal kula jirtaan Xarrakatul Shabaab iyo dagaalyahanno ajnabi ah oo la safan, si looga hortago inay la wareegaan maamulka Soomaaliya oo dhan," ayuu yiri Mahiga, oo intaas ku daray in howlgalkoodu uu socon doono inta laga soo celinayo nabadda Soomaaliya.

Baaqa danjire Mahiga ayaa ku soo beegmay xilli uu dhowaan Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika uu sheegay in ciidamada AMISOM loo kordhiyey muddada ay sii joogayaan Soomaaliya ayadoo loogu kordhiyey muddo 12 bilood ah.

Add New Comment