Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu laabtay Muqdisho iyo Farmaajo oo ku sugan dalka Talyaaniga

journey2addisBB.jpgMadaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Muqdisho, kaddib markii ay kasoo qaybgaleen shirkii Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay dalka Masar.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa, oo soo maray dalka Jabuuti, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda, iyadoo gaadiidka AMISOM ay ka qaadeen garoonka gaarsiiyeenna madaxtooyada.

Sheekh Shariif, ayaan la hadlin saxaafadda, waxaase madaxdii ka qaybgalay shirkii magaalada Sharmal-Sheekh, uu uga warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya, iyadoo shirkaas gabgabadiisii laga soo saaray bayaan qodobbadiisa ay ka mid ahaayeen in la taageero dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa Isniintii toddobaadkan kaga qaybgalay dalka Jabuuti, xaflad tababar loogu furayay 500-askari oo ka tirsan ciidammada booliiska DKMG ah, kuwaasoo isugu jiray rag iyo haween.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, ayaa isna ku sugan dalka Talyaaniga, halkaasoo uu maanta kula kulmayo wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Franco Frattini.

Kulanka Farmaajo iyo Frattini, ayaa waxay uga hadli doonaan xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, siyaasadda iyo abaaraha Soomaaliya oo sababay xaaladda aad u daran oo bani’aadamnimo.



Add New Comment