Nin Xoolaley ah oo harraad ugu geeriyooday Deegaanka Wareegdheere ee G/J/dhexe

Ninkan xoolaleyda ah ayaa la sheegay in uu ku wajahnaa degmada bu'aale isagoo ka yimid baadiyaha fog halkaas oo uu ku dhaqaaleysan jiray xoolo kuwaas oo uu ka soo tagay kadib markii ay la socon waayeen oon iyo haraad, waxaaana uu ku geeriyooday deegaanka wareegdheere oo 70km u jira degmada Bu'aale ee gobolka J/dhexe. Max'ed Jeemis oo kamid ah waxgaradka degmada Bu'aale ee gobolka J/dhexe ayaa HOL u xaqiijiyay dhimashada ninkaasi xoolaleyda ah, waxaana uu sheegay in ninkani uu la socon waayay oon iyo gaajo wax u gurmadana uu waayay maadama meesha uu ku sugnaa ay ahayd dhul baadiye ah oo dadkii ku noolaa ay isaga kasoo qaxeen abaarta jirta awgeed. "Dhimasha ninkani ayaa waxa soo sheegay dad xoolaley ah kadibna waxaa u gurmaday qaar katirsan dadkak u dhaqan degmada Bu'aale iyo maamulka islaamiga ah ee degmadaasi, waxaana lala kulmay ninkii oo meydkiisii ay bahallo cuneen," ayuu yiri Mr. Jeemis oo HOL u waramayay. Abaarta sanadkan ku dhufatay gobollada dalka Soomaaliya ayaa galaafatay nolosha dad iyo duunyo, waxaana ay arintani kusoo beegmeysaa xilli horaantii bishii december ee sanadii aynu soo dhaaftay ay Sedex caruur ah oon iyo gaajo ugu geeriyoodeen deegaanka Juungal oo hoosyimaada degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Add New Comment