Sheekh Yuusuf Indhacadde oo sheegay inuu wadahadal kula jiro dowladda Federaalka Soomaaliya


Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo horay u sheegay inuu ka baxay dowladda Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inuu wadahadallo cusub kula jiro dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in dhawaan ay si wadajir ah ugu dhawaaqi doonaan wixii kasoo baxa.

Sheekh Yuusuf Indhacadde ayaa sheegay maanta oo Sabti ah, in wadahadallada u dhexeeya ay ku saabsan yihiin sidii lagu sixi lahaa khaladaad iyo mad-madow soo dhexgalay ururka uu hoggaamiyo ee Xisbul Islaam iyo dowladda Soomaaliya.

"Wadahadallada socda, waa kuwo aan isaga kaashanayno difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, dhawaan ayayna go'aannadiisu soo bixi doonaan," ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde, oo sheegay in xiriirka u dhexeeya isaga iyo dowladda uu aad uu soo wanaagsanaanayo.

Xukuumadda Soomaaliya, ayaan weli ka hadlin wadahadallada uu Sheekh Yuusuf indhacadde sheegay inay u socdaan. Sidoo kale dowladdu kama aysan hadlin go'aankii uu mas'uulkan horay ugu sheegay inuu uga baxay dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, Sheekh Yuusuf Indhacdde, ayaa si kulul uga jawabay hadal uu Ra'iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi uu shalay sheegay, kaasoo ahaa in xukuumaddu aysan u dulqaadanayn in ciidan aan ahayn kuwa dowladda ay hub ku dhex-wataan Muqdisho iyo ciidammo gaar ah ay haystaan hoggaamiye kooxeedyadii hore.

"Hadalka wasiirka, kasoo baxay waa mid lagu taageerayo Xarrakatul Shabaab, mana ogi halka dowladda ugu sugan yihiin ciidammo hub ka dhigis nagu sameyn kara. Waxaana u arkaa nin hadalkaas uu yahay mid la iska yiri," ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde.

Sidoo kale Sheekh Yuusuf Indhacadde, wuxuu sheegay inay dagaal kula jiraan Xarrakatul Shabaab, haddii ay xukuumadda cusub soo weerartana ay diyaar u yihiin inay iska dhiciyaan, balse kama uusan jawaabin wasiirku weli hadalka kasoo baxay mas'uulkan.


Add New Comment