roobab lagu diirsaday oo ka da'ay meelo ka mid ah gobollada dhexe iyo koonfureed ee dalka


Roobab lagu diirsaday ayaa lagu soo warramayaa inayka da'een qaybo ka mid ah gobollada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya oo ay waqtigaan ka taagneyd abaar si weyn ugu dhufutay oo ay waxyeello weyn kasoo gaartay dadka iyo duunyadaba.

Gobollada dalka ee roobabka laga soo sheegay ayaa waxa ka mid ah qaybo ka tirsan gobollada Galguduud, Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo gobolka Gedo oo ay dhammaanttodba ka taagneeyd abaar aad u daran, kaddib markii la waayey roobabkii di'i jiray xilliyada dayrta.

Roobabkan xilligoodi kasoo hormaray ee ka curtay qaar ka mid ah gobollada dalka ayaa waxa ay rajo geliyeen dadka Soomaaliyeed ee xoolo-dhaqatada iyo beeraleydaba ah oo aad ugu baahnaa in raxmadda Alle ay u soo deg-degto kaddib markii ay waayeen cid kale oo u soo gurmata.

Waxa la saadaalinayaa in robab hor leh ay ka di'i doonaan gobolladaasi iyo guud ahaan gobollada kale ee dalka Soomaaliya ayadoona dadka Soomaaliyeed ay Allaah uga mahadnaqayaan roobabka da'ay ayna ka baryayaan kuwo kale oo lagu diirsado.

Add New Comment