SilGor 5/5/2011 12:49:01 PM
Webiga Shabeelle ee dhex mara gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose ayaa keenay biyo fara badan, kaddib markii uu muddooyinkii ugu dambeeyey uu la qalalnaa abaaraha iyo roob la'aanta ku dhufatay gobolka Geeska Afrika.
SilGor 5/5/2011 12:17:13 PM
Roobab lagu diirsaday oo dhulka biyo dhigay ayaa ka da'ay degaano fara badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya oo muddooyinkii dambe ay fara kulul ku heysay abaar ba'an oo ay
SilGor 5/4/2011 5:58:44 PM
Waxa aroornimadii hore ee maanta degaanka Ceelasha Biyaha ku geeriyootay laguna aasay Allaah ha u naxariistee marxuuma Madiino Ow Maxamed Jimcaale oo 102 sano jir ahayd, geerida marxuumadda waxa la ogeysiinayaa eheladeedii oo ku kala nool gudaha iyo dibedda dalka.
HOL 5/3/2011 2:13:24 PM
Dab khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed geystay ayaa maanta ka kacay bakhaaro ku yaalla suuqa Bakaaraha, waxaana dabkaas oo baabi'iyay afar bakhaar ku dhintay haweeney ka mid ahayd kuwii ku sugnaa mid ka mid ah bakhaarradaas.
SilGor 5/2/2011 11:12:51 AM
Xaflad ay xilka ku kala wareegayeen afhayeenkii ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) Maj. Barigye Bahuko iyo afhayeenka cusub ee ciidamadaasi Maj. Paddy Akunda ayaa maanta ka dhacda xarun AMISOM ku leedahay magaalada Muqdisho ee Xalane.
SilGor 5/1/2011 8:29:52 AM
Wasiirka caafimaadka ee Dowladda KMG Somaaliya Dr Aadan Xaaji Ibraahim ayaa mar uu maanta magaalada Muqdisho kula hadlayey saxaafadda ka hadlay tayada daawooyinka la soo geliyo dalka iyo inay
SilGor 4/30/2011 1:36:07 PM
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga adduunka ee (UNHCR) ayaa soo saartay warbixin lagu sheegay inay kordheen dadka ka barakacaya dagaallada iyo abaaraha ku habsaday waddanka Soomaaliya.
HOL 4/29/2011 5:42:12 PM
Dowladda Shiinaha (China) ayaa balan-qaaday inay dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay ka taageeri doonto dhanka dib-u-dhiska dhinacyada kala duwan ee dalku uga baahan yahay wuxuuna
SilGor 4/28/2011 1:14:09 PM
Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo saraakiil ka tirsan dowladda ayaa maanta soo kormeeray aagagga ay difaaca kaga jiraan ciidamada dowladda ee degmooyinka Hodan iyo Dayniile ee gobolka Banaadir.
SilGor 4/28/2011 12:49:20 PM
Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa maanta si nabad ah kula wareegay gacan ku heynta degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ee horey u maamuli jiray degmadaasi.
HOL 4/28/2011 11:59:10 AM
Xarrakada Mujaahidiin Al-shabaab ayaa sheegay inaysan iyaga u xirnayn jidadka gala suuqa weyn ee Bakaaraha balse ay u xiran yihiin ciidamada AMISOM iyo dowladda KMG ah, balse ay iyagu horay ganacsatada ugu wargeliyeen inay jidadkaas furan dhankooda ka furan
SilGor 4/26/2011 7:20:20 PM
Waxa maanta duhurnimadii ku geeriyooday laguna aasay dalka Kenya, Allaah ha u naxariistee Aw Yuusuf Cismaan Cumar oo da'diisu ahayd 86 jir . Geerida naxdinta leh waxaa la ogeysiinayaa eheladii iyo asxaabtiisii oo ku kala baahsan dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
SilGor 4/26/2011 11:30:47 AM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib socdaal gaaban oo uu ku gaaray waddanka Jabuuti oo uu kulan kula soo yeeshay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.







'
World News