TACSI - Innaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun


inaalilaahi[1].jpg

tacsi.jpg

Waxa aroornimadii hore ee maanta degaanka Ceelasha Biyaha ku geeriyootay laguna aasay Allaah ha u naxariistee marxuuma Madiino Ow Maxamed Jimcaale oo 102 sano jir ahayd, geerida marxuumadda waxa la ogeysiinayaa eheladeedii oo ku kala nool gudaha iyo dibedda dalka.

Maamulka shabakadda wararka ee SilGor.com, Xoghaynta iyo Xubnaha Israaca SilGor waxay ayagoo aad uga tiiraanyeysan halkan tacsi uga dirayaan guud ahaan Jufada reer Axmed Faarax ee beesha Silcis Gorgaate, gaar ahaan reer Jimcaale Dhageey Aadan iyo xubnaha kaga jira Israaca SilGor, marxuumaddana waxa ay Allaah uga baryayaan inuu ka waraabiyo Jannadii Fardowsa, dhammaanteenna uu sabar iyo iimaan naga siiyo - AAMIIN - AAMIN - AAMIIN - AAMIIN.
 

Add New Comment