SilGor 6/3/2011 12:41:30 PM
Waxaa habeenimadii khamiista 02/06/2011 saacadda 01: 00 am, magaalada Nairobi ku geeriyootay marxuuma Siteey Jeylaani Xasan, waxaana geerideeda marxuumadda la ogeysiinayaa eheladeeda iyo asxaabteeda oo ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.
SMN 6/2/2011 7:23:25 PM
Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa ku baaqay in mudo hal sano ah loogu daro Hay’adaha Dastuuriga ee dowlada KMG Soomaaliya, iyadoo hadalkaasina uu soo dhaweeyay Madaxweyne Shariif.
HOL 5/31/2011 7:57:23 PM
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa ka hadlya shirka lagu qabanayo Muqdisho bisha Juune, kaasoo ay qabanqaabadiisa waddo dowladda KMG ah.
RM 5/30/2011 10:47:50 AM
Pro. Xasan Maxamuud (Xasan Jaamici) oo ka mid ah aqoonyanada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Mareykanka islamarkaana waxa ka dhiga jaamacad ku taala dalka Mareykanka oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in uu si wayn u ayiday shirka bisha June ka dhacaya magaalada Muqdisho
RM 5/28/2011 12:33:30 PM
Kulan ballaaran oo maanta ay isugu yimaadeen Xisbiga Maxaakiimta islaamka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayna ka qeyb galeen in ka badan 200 oo xubnood oo ka kala socotay saraakiishii Maxkamadaha, Aqoonyahano iyo culuma’udiin ayaa waxaa
SilGor 5/26/2011 1:25:10 PM
Ra'iisul-wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo wafdigii kala qaybgalay shirkii Golaha Ammaanka ee lagu qabtay magaalada Nairobe ee waddanka Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
HOL 5/25/2011 7:54:04 PM
Waxaa maantay magaalada Nairobi lagu qabtay shir ay wafdi ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay la yeesheen Madaxda DKMG ah ee dalka Soomaaliya iyo sidoo kale qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada.
SilGor 5/24/2011 11:47:00 AM
Madaxweynaha Dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayagoo ku si jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay uga qaybgeli doonaan shir uu soo qabanqaabiyey Golaha
SilGor 5/20/2011 4:15:19 PM
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta qaybo ka mid ah magaalada lagu arkay dayaarado nuuca dagaalka ah oo aan halka laga leeyahay la garan, , kuwaasoo sida la sheegay ku duulayey jawi hoose, ayadoo guuxooduna laga maqlayey magaalada
SilGor 5/19/2011 2:11:41 PM
Roobab ay aad ugu diirsadeen dadka iyo duunyada ku nool magaalada Muqdisho iyo degaannada ku xeeran, roobabkaas oo waddooyinka iyo meelo badan oo magaalada ah biyo dhigay ayaa dadka waxay Allaah uga mahadcelinayeen raxmaddaa uu siiyey ee ay sida aadka ah u
SilGor 5/17/2011 3:36:47 PM
Ururka Midowga Afrika (AU) oo aad uga walaacsan khilaafka soo kala dhexgalay madaxda sare ee Dowladda KMG ayaa ku baaqay in la xalliyo kala feker duwanaashiyaha Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Barlamaanka, sidoo kalena sheegay in laga wada shaqeeyo qabsoomidda doorashada madaxtinimada dalka.
SilGor 5/15/2011 11:34:01 AM
Aaska Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa waxa uu maanta ka dhacay degaanka Jesiira ee duleedka magaalad Muqdisho, ayadoo aaskiisuna ay ka soo qaybgaleen mas'uuliyiin uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed,
Jowhar 5/15/2011 10:59:36 AM
Dalka Soomaaliya oo mudo 50 sano ka hor iska dul qaaday hadamadii Gumeystihii Talyaaniga iyo Ingiriiska, waxaa mudnaantaasi iska lahaa 13 dhalinyaro Soomaaliyeed oo hoggaanka u hayey Xisbigii Gobonimo doonka SYL (Somali Youth League), xisbigaasoo horay loo oran jiray SYC, dhalinyaradii dhidibada u taagay oo ku mideysnaa qiiro wadaninimo kana dhiidhinayey gumeystihii dalka ku soo duulay,







'
World News