Roobab lagu diirsaday oo ka da'ay degaannoka tirsan gobolka Galguduud


Roobab lagu diirsaday oo dhulka biyo dhigay ayaa ka da'ay degaano fara badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya oo muddooyinkii dambe ay fara kulul ku heysay abaar ba'an oo ay dhibaato weyni kasoo gaartay dadka iyo duunyadaba.

Degaannada ay roobabku ka da'een ayaa sida lagu soo warramayo waxa ka mid degmooyinka Guriceel, Xeraale iyo degaanno hoos taga degmada Caabud Waaq ee isla gobolkaasi, waxaana la sheegayaa in dadka degaanku ay raxmaddani Allaah uga mahadcelinayaan.

Dalka Soomaaliya ayaa waxa muddooyinkan dambe waxa ka jiray abaaro ay aad ula ildarnaayeen guud ahaan degaannada ay dadka Soomaaliyeed kaga dhaqan yihiin gobolka Geeska Afrika, hase ahaatee markii ay roobabkani curteen ayaa waxaa soo laabtay rajadii dadka, ayadoona la dareemayo in dadku durbaba billaabeen in ay dib ugu laabtaan degaannadii ay abaaraha dartood uga soo barakaceen.

Add New Comment