Ciidamada Dowladda iyo Ahlu Sunna oo la wareegay Garbahaareey


Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa maanta si nabad ah kula wareegay gacan ku heynta degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ee horey u maamuli jiray degmadaasi.

Ciidamada gudaha u soo galay Garbahaareey ayaa sida lagu soo warramayo durba saldhigyo ka sameystay xarumihii maamulka iyo saldhigga degmada mana jiraan wax dagaallo ah oo hadda ka socda degmada iyo degaannada ku xeeran.

Ka bixitaanka ciidamada Xarakatul Shabaab ee degmada Garbahaareey ayaa yimid kaddib markii uu shalay gelinkii hore uu dagaal qaraari ka dhacay degaanka Tuulo Barwaaqo ee isla gobolka Gedo oo Garbahaareey 30 Km ka xiga dhinaca koonfureed.

Gudoomiyaha maamulka Dowladda KMG ee Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in ciidamadii Al Shabaab ee horey u joogay degmada ay u baxsadeen dhanka degmooyinka Baar-dheere iyo Buur-dhuubo.

Xaaladda ka jirta Garbahaareey ayaa ah mid kacsan, waxaana mar kasta la filan karaa weerar rogaal celis ah oo ay soo qaadaan ciidamadii Al Shabaab ee magaalada isaga baxay oo hadda ay wararku sheegayaan inay wadaan is abaabul iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan xaaladda degmada Garbahaareey oo ka soo baxay mas'uuliyiinta Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin, marka laga reebo sheegashada mas'uuliyiinta Dowladda KMG ee gobolka Gedo.

Add New Comment