AMISOM oo yeelatay afhayeen cusub (Maj. Paddy Akunda)


Xaflad ay xilka ku kala wareegayeen afhayeenkii ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) Maj. Barigye Bahuko iyo afhayeenka cusub ee ciidamadaasi Maj. Paddy Akunda ayaa maanta ka dhacda xarun AMISOM ku leedahay magaalada Muqdisho ee Xalane.

Maj. Bahuko ayaa ahaa afhayeenka AMISOM tan iyo sanadkii 2008-da, wuxuuna ahaa nin aad looga yaqaan magaalada Muqdisho, asagoona aad uga hadli jiray dagaallada ka dhaca magaalada Muqdisho ee u dhexeeya ciidamada AMISOM oo gacan siiya ciidamada Dowladda KMG iyo ciidamada Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin.

Maj. Paddy Akunda ayaa horey u haayey xilka uu maanta dib ugu soo noqday ee afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, xilligii ay jirtay dowladdii Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waana markii labaad ee loo soo magacaabo xilkaas.

Maj. Bahuko oo hadal ka jeediyey munaasabadda xil-wareejinta ayaa sheegay in saxaafadda ay wixii warar ah ee ku saabsan howlaha AMISOM ay kala xiriiri doonaan afhayeenka cusub Maj. Paddy Akunda, sidoo kale wuxuu cafis weydiistay haddii ay jirto cid uu dhibaato u geystay intii uu xilkaasi haayey.

Waxa kale oo munaasabaddaasi ka hadlay afhayeenka cusub ee AMISOM Maj. Paddy Akunda, wuxuuna sheegay inuu la hadlayo cid kasta oo Soomaali ah oo xitaa ay ku jirto Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ee adagaalka kula jirto Dowladda KMG iyo AMISOM.


Add New Comment