Dab khasaare xooggan geystay oo maanta ka kacay bakhaaro ku yaalla Suuqa weyn Bakaaraha


Dab khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed geystay ayaa maanta ka kacay bakhaaro ku yaalla suuqa Bakaaraha, waxaana dabkaas oo baabi'iyay afar bakhaar ku dhintay haweeney ka mid ahayd kuwii ku sugnaa mid ka mid ah bakhaarradaas.

Goobjoogayaal ayaa HOL u sheegay in dabku uu ka dhashay rasaasta qoriga Zuuga loo yaqaan ah taasoo aan si dhab ah loo ogeyn halka ay ka timid, waxaana daminta dabka qayb ka qaatay dadkii suuqa ku sugnaa iyo qaar ka mid ah dagaalyahannada Xarrakatul Shabaab.

"Si lama filaan ah ayuu dabku ku billowday, dhammaan wixii ku jiray bakaarrada uu dabku ka kacayna way baaba'een, waxaana dabkan damintiisa iska kaashaday dadkii suuqa ku sugnaa iyo ciidammada Al-shabaab," ayuu yiri goobjooge ku sugan suuqa abaaaraha.

"Lama yaqaan halka ay rasaastu ka timid, balse waxaa loo maleynayaa inay ka timid dhinaca dabka, dabkuna wuxuu si rasmi ah u damay markii uu roob yar da'ay," ayuu goobjoogaha hadalkiisa raaciyay.

Xarrakatukl Shabaabul Mujaahidiin oo awood badan ku leh suuqa Bakaaraha ayaan ka hadlin dabka sababay inay gubtaan afarta bakhaar ee suuqaas ku yaala, iyadoo rasaas dhowr jeer oo hore ku dhacday suuqaas ay sababtay gubashada bakhaaro kala duwan.

Ma jiro khasaare kale oo uu geystay dabka marka laga soo tago haweeneyda ku dhimatay, iyadoo maydka haweeneyda ay goobta ka qaadeen ehelladeeda oo goobsta soo gaaray.


Add New Comment