Beeraleyda ku dhaqan gobollada Sh/Hoose, Sh/Dhexe iyo Hiiraan oo aad ugu faraxsan biyo keenidda Webiga Shabeelle


Webiga Shabeelle ee dhex mara gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose ayaa keenay biyo fara badan, kaddib markii uu muddooyinkii ugu dambeeyey uu la qalalnaa abaaraha iyo roob la'aanta ku dhufatay gobolka Geeska Afrika. 

Webiga Shabeelle ayaa intii uusan gurin ka hor waxaa aad ugu baxsaday beeraleyda ku dhaqan gobollada uu maro iyo weliba xoolo dhaqato ku soo barakacay oo naf u soo raadsaday in ayaga iyo xoolahooduba ay biyo iyo baad ka helaan degaannada ku xeera dhulka uu webigaasi maro.

Beeraleyda ku dhaqan gobollada uu maro webi Shabeelle ayaa si aad ah ugu faraxsan biyaha uu webigu keenay ayadoo weliba ay jiraan roobab degaannadaasi qaarkood si wanaagsan uga da'ay, waxaana lagu soo warramayaa in beeraleydu ay durbaba billaabeen u diyaargarowga beerashada dalagyada kala duwan ee xilliga guga.

Add New Comment