Wasiirka Caafimaadka oo ka hadlay dawooyinka dhacay ee dalka lasoo geliyo


Wasiirka caafimaadka ee Dowladda KMG Somaaliya Dr Aadan Xaaji Ibraahim ayaa mar uu maanta magaalada Muqdisho kula hadlayey saxaafadda ka hadlay tayada daawooyinka la soo geliyo dalka iyo inay jiraan daawooyin dhacay oo qaab ganacsi lagu keeno dalka.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in sida keliya ee loogaga hortagi karo daawooyinka dhacay ee dalka la soo geliyo ay tahay in la helo shaybaar lagu baaro daawada dalka la soo gelinayo, kaasoo ay gacan ka geysanayaan maaullada gobolka Banaadir iyo dekedda Muqdisho ee Dowladda KMG.

Dr. Aadan Xaaji ayaa mar wax laga weydiiyey waxa ay wasaaraddiisu u qaban karto dadka ku dhaawacma dagaallada ee aan lagu daweyn karin gudaha dalka ku jawaabay in wasaaradda caafimaadku aysan awoodin inay wax u qabato dadkaas, hasee ahaatee waxa uu sheegay inay caalamka ka codsadeen in arrintaasi gacan laga siiyo wasaaradda caafimaadka oo aan heysan dhaqaatiir iyo dhaqaale ku filan.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 20 sano ka hor ayaa waxa aan Soomaaliya ka jirin hay'ad qaabilsan baarista daawooyinka lasoo geliyo dalka, ayadoona ay jiraan dad ganacsato ku sheeg ah oo dalka ku soo daadgureeya daawooyin dhacay ama ay tayadoodu aad u hooseyso, kuwaasoo weliba dadweynaha danyarta ah ee Soomaaliyeed kaga iibiya sicir aad u sarreeya.

Add New Comment