Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib safar gaaban oo uu ku tagay dalka Jabuuti


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib socdaal gaaban oo uu ku gaaray waddanka Jabuuti oo uu kulan kula soo yeeshay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Sheekh Shariif  oo maalinnimadii shalay gaaray Jabuuti ayaa maanta intii uusan kasoo duulin halkaasi kulan kula yeeshay aqalk madaxtooyada ee waddanka Jabuuti dhiggiisa dalkaasi madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ay isla soo qaadeen qodobo dhowr ah.

Dib usoo laabashada deg-degta ah ee madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxa lala xiriirinayaa khilaafka u dhexeeya madaxda hey'adaha sar sare ee dowladda iyo ayadoo ay magaalada Muqdisho ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan dhinacyada is haya, si uu dhinacba dhinaca kale uga taqaluso.


Add New Comment