Madaxweyne Sheekh Shariif oo kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga


sharifkor.jpgMadaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo saraakiil ka tirsan dowladda  ayaa maanta soo kormeeray aagagga ay difaaca kaga jiraan ciidamada dowladda ee degmooyinka Hodan iyo Dayniile ee gobolka Banaadir.

Goobaha uu madaxweynuhu soo booqday ayaa waxa ka mid ahaa dhismaha xaruntii wasaaradda Gaashaandhigga oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha iyo mas'uuliyiintii la socday oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru-dowlada Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Abaanduulaha ciidanka iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda ayaa waxa ay u kuur galeen xaaladda ciidamada iyo aagagga ay dhowaan kala wareegeen ciidamadii Xarakatul Shabaab.


Add New Comment